Paddy Ankund “Waxaan u baahanahay ciidamo dheeri ah”

undefinedHalkaan ka akhri

Taliska Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay waxqabadkii Magaalada Muqdisho, iyagoo dhinaca kale dalbaday Ciidamo dheeri ah.

Warbixin dheer oo lagu qoray Wargayska New Vision ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya tan iyo markii ay Ciidamada AMISOM yimaadeen Magaalada Muqdisho.

Kaptan Paddy Ankund oo ah afhayeenka Ciidamada AMISOM oo lagu xusay in uu qalinka u qaatay Warbixintaasi ayaa waxaa uu kaga hadlay dhinacyo badan oo ay ka mid tahay arimaha nabad galyada, horumarkii ay ka gaareen dagaaladii Muqdisho, xaaladaha bini’aadanimada iyo waliba doorka Qaramada Midoobay oo ku aadan arrimaha Soomaaiya.

Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in markii ay yimaadeen Soomaaliya 2007-dii Ciidamada AMISOM oo uu isagu ka qeyb ka ahaa ay tiradoodu ahaayeen 1,600 oo askari, isagoo tilmamaay in xilligaasi ay ka fikirayeen qaabkii ay u caawin lahaayeen dowladda KMG.

Andkund ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay inay jireen fikrado badan oo ay aaminsanaayeen dadka qaar taasi oo aheyd in AMISOM ay fashilantay isla xilligii ay Soomaaliya timid, waxaana uu tusaale u soo qaatay nin lagu magacaabo Dr.Opiyo Oloya oo qoraa ka ah Wargayska New Vision hase ahaatee fikaradahaasi ayaa waxa ay wax badan iska badaleen sida uu sheegay markii Cidamada Al Shabaab looga adkaaday dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Paddy Ankund ayaa waxaa uu soo hadal qaaday 6-dii Augusta oo aheyd markii Al Shabaab ay ka baxeen dhufayso badan oo ay isku horfadhiyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, isagoo carabka ku dhuftay in arintaasi ay tahay guul taariikhi ah marka laga hadlayo dagaalada Soomaaliya.

Ugu dambeyn ayaa Afhayeenka Ciidamada AMISOM waxaa uu ka dalbaday beesha Caalamka inay u istaagaan wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya islamarkaana ay soo de dejayaan soo daadguraynta Ciidamadii kale oo ay balan qaadeen dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Sireleon si looga dhigo tirada Ciidamada ilaa iyo 13,00, igsaoo ka digay in hadii aysan taasi dhicin in Caalamka uu lumin doono fursad uu wax kaga qabanayo Soomaaliya.

SomaliSwiss Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: