Markab sida mucaawino 5000 tan ah oo Muqdisho kusoo fool leh maalmaha soo socda.

undefinedHalkaan ka akhri

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Iran ayaa sheegtay in wadada uu kusoo jiro Markab sida mucaawino gar-gaar ah oo loogu talagalay dadka ku dhibaataysan Magaalada Muqdisho.

Ku simaha Safiirka Soomaaliya ee dalka Iran Khaliif Kadiye Muuse oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Iiran ay u istaagtay wax u qabashada dadka ay abaaruhu saameyeen ee ku dhibaataysan gudaha Soomaaliya.

Ku simaha Safiirka ayaa sheegay in iyaga oo ka duulaya baaqii uu jeediyay Madaxweyne Sheikh Shariif ay bilaabeen dadaalo wax loogu qabanayo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay inay la xiriireen Xafiiska Madaxweynaha dalkaasi Max’ud Axmed Najaad kaasi oo sheegay inay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Khaliif Kadiye ayaa intaasi ku daray in dowladda ay ka jawaabtay codsigoodii oo uu sheegay in Markab sida Sahaay gar-gaar oo dhan 5-kun oo tan todobaadka soo socda uu soo gaarayo Magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in Sanduuq shacabka dalkaasi ay lacago ugu urinayaan  qoysaska abaaraha la dhigay qeybo ka mid ah dalkaasi.

Ku simaha Safiirka Soomaaliya dalka Iran ayaa waxaa uu sheegay in Umadda Soomaaliyeed looga baahanyahay inay isku tashato maadaama baahidoodu aysan ku filneyn gar-gaar loo fidiyo, wuxuna tilmaamay in iminka ay wadaan qorshe dowladda Iran ay si rasmi ah ugu qeyb qaadanayso horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii shacabka ka barakacay Soomaaliya ay dib ugu soo laaban lahayeen Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: