Ceel Buur, Ceelgaras iyo Ceelshiil oo ay duqeeyeen Diyaaradaha dagaalka ee aan cidina wadin.

undefinedHalkaan ka akhri

Diyaaradaha dagaalka ee aan cidina wadin ayaa maanta duqeeyay saldhigyo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku leeyihiin gudaha magaalooyinka Ceelbuur iyo Ceelgaras oo labaduba ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Xiriiro kala duwan Oo SomaliSwiss ay la Sameysay dadka deegaanka ayaa lagu xaqiijiyay in diyaaradaha aan cidina wadin ay duqeymo u geysteen saldhigyo ciidan oo ay lahaayeen Xarakada Al-Shabaab, kuwaas oo ku yiil, Degmada Ceelbuur iyo tuulada Ceelgaras iyo meelo ku xeeran.

Wararka ayaa Sheegaya in Diyaaradahaas ay Maanta Duqeymo waaweyn ka Geysteen Guri ku yaalla degmada Ceelbuur oo ay ku shirsanaayeen saraakiil Al-Shabaab ah, Saldhiga degmadaas, saldhig ciidan oo ku yaal Ceelshiil oo aan ka fogeyn Degmada Ceelbuur, Ceelgaras iyo meelo kale.

Isgaarsiinta oo wax yar ka dib markii duqeymuhu dhaceen Al-Shabaab hawada ka saareen ayaan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray Al-Shabaab iyo haddii halkaas saraakiil sare lagu bartilmaameedsaday iyo in kale.

Sida ay sheegeen wararka hordhaca ah ee aan ka helanay dad kala duwan oo ku sugan Ceelbuur, Ceelgaras iyo Ceelshiil, majirin inta la ogyahay rayid wax soo gaareen, iyadoo duqayn taasi la sheegay inay u badnayd saldhigyo ciidan iyo goobaha ay ku badan yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wixii kasoo kordha arrimahaas iyo duqeymaha, dib ayaan idinkaga soo tebo doonnaa marka ugu horeysa ee ay suurta gal noqoto ee isgaarsiintu noo saamaxdo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee diyaaradahaasi duqeeyaan, gudaha Dalka Soomaaliya, iyadoo ay hore gobolka Galgaduud uga geysteen duqeymo nuucaan oo kale ah iyo gantaallo lagu dilay Aden Xaashi Ceyroow oo ka mid ahaa hogaanka sare ee Al-Shabaab, sidoo kale diyaaradahaan iyo kuwa Qumaatiga u kaca ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay duqeyn u muuqata in la bartilmaameedsanayay Saraakiisha Alshabaab waxay ka geysanyeen gobollada Jobbnoyinka.

SomaliSwiss Wabxo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: