Al-Shabaab oo Wiil Dhallin-yaro ah ka jaray Lug iyo Gacan.

undefinedHalkaan ka akhri

Maxamed Xasan oo Lasheegay inuu 20 jir ahaa ayay  Ururka Shabaab waxa ay ku eedeyeen inuu dhacay telefoon-ka gacanta lagu qaato, Isla markaana ay ku fuliyeen Xukun ah Lug Iyo Gacan isdhaaf in laga gooyo.

Deegaanka Calmada oo xukunkani ka dhacay ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne la isugu keenay meel fagaare ah si ay u daawadaan kuwaas oo ka kala yimid deegaanada loo barkacay.

Qaadiga Maxkada Al-Shabaab oo inta badan Magaciisa lagu dhawaaqin marka xukunka noocaan ah ay fulinayaan ayaa goobta ka sheegay in Wiilkaasi dhalinyarada ah ay ku soo qabteen Howlgal ay ka sameyeen Deegaanada loo barakacay isla markaana dembigiisa uu qirtay sida uu yiri qaadiga maxkamadda Shabaab.

Inta Badan waa mid caadi ah in shabaab Goobaha ay gacanta ku hayaan ay ka dhacaan falal ay ka mid yihiin toogasha, gacan iyo lug ka goyn, iyo karbaash hase ahatee xukunada ay fuliyaan ayaa dad badan waxa ay u arkaan inay yihiin kuwa aan sharciga ku dhisneyn.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: