Al-Shabaab oo Ganacsatada Ceelasha Biyaha ku amray inaysan ka guuri karin deeganada loo qaxay.

undefinedHalkaan ka akhri

Horjoogayaasha Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka ee deegaanada loo barakacay ayaa saakay albaabada isugu dhuftay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi, iyadoo talaabadani ay walaac xooggan ka muujiyeen qaar ka mid ah ganacsatadaasi.

Wararka hodhacara ah ayaa sheegaya in maalmihii ugu dambeeyay ay kulano hoose u socdeen Horjoogayaasha Shababka iyo Ganacsatada Ceelasha ku leh, kuwaasoo qaarkood ay doonayaan sidii ay dib ugu noqon lahaayeen xarumahoodii ganacsi ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ay aragtidaasi aad uga soo horjeesteen Horjoogayaasha Shababka, waxeyna ku adkeysteen in aan laga guuri karin degaanka Ceelsha.

Horjoogaayasha Shabaabka ayaa wel wel ka muujiyay iney lumin doonaan dhaqaalaha ka soo gala Ganacsiga Ceelasha Biyaha, waxeyna u arkaan guuritaanka mid niyada looga jebinaayo Maleeshiyadooda, iyadoo la sheegay in howl ay qaadeen Maleeshiyaad hubeysan ay albaabada isugu dhufteen goobihii ganacsi ee ka furnaa halkaasi.  Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in Maleehsiyaad aad hubeysan oo wajiyada u duuban islamarkaana wata gawaari dagaal ay guud ahaan xireen goobihii gacansi ee ku yaallay deegaanada loo barakacay sida Ceelsha biyaha iyo Lafoole halkaasi oo ay xusid mudan tahay inay ku sugan yihiin dadka kasoo hayaamay abaaraha iyo kuwa ka barakacay Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayaan in Dableyada Kooxdani ay dadkaasi ku amreen inay isugu yimaadaan barxad wayn oo ku taalla deegaanka Ceelsha biyaha oo ay sheegeen in lagu tukanyo salaad sunno ah oo roob doon ah.

Qaar ka mid ah ganacsata ayaa waxa ay sheegeen in talaabadani ay walaac xooggan ka muujiyeen, iyagoo daaha ka rogay in hadii lagu guulesan waayo kulamada u socda ee guuritaanka ku saabsan ay dhici karto iney boob u geystaan hantiada ganacsatada.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: