Halkaan ka akhri
Waxaa Tagay Dalka Soomaliya dhaqaalahii ugu horeeyay oo lagu Taageerayay Abaaraha ka Jira Koonfurta Soomaliya oo ay iska soo ururiyeen shacabka Reer Switzerland, Taageerada oo loo Diray Gobolka Sh/Hoose, Gaar Ahaan degmooyinka ay joogaan dadka danyarta ah waxaan e ay u dhacday fulinteeda sidii loogu talagalay waxaana todobaadyada soo socda la sii wadi doona quudinta dadka Tabaaleeysan, waxaana wada shaqeeyn wanaagsan howsha ka qabatay Maamulka Al-Shabaab iyo shaqaalaha heyada New way, waxaana in howsha hirgesho ka shaqeeyay Xiriiriyaha heyadaha ka howlgala Swiss-ka Soomaaliya Mustaf Bashir Gobdon, mana aha markii ugu horeeysay oo howl noocaan oo kale ah ay fuliyaan, waxaana halkaa ka jooga heyadaha Swiss iyo New way shaqaale gaaraya ilaa 250 qof oo bil walba mushaar la siiyo, waxaana ka mid ah howlaha ay qabtan, Dugsi hoose, Dugsi dhexe iyo Dugsi sare oo ka jira magaalada Marka iyo weliba Ambulatooriyo iyo shaqaale nadiifiya magaalada.
Somaliswiss Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.