Soomaalida Mareykanka oo si isku mid ah u diiday iney la kulmaan Shariif Sakiin.

undefinedHalkaan ka akhri

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya, Shariif Sakiin oo mudooyinkaan arrimo aan la ogeyn u joogay Dalka Mareykanka ayay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan si isku mid ah u diideen, dalab uga yimid Gudoomiyaha oo doonayay inuu la kulmo Soomalida.

Sida ay SomaliSwiss u sheegeen dad kala duwan oo qeybaha bulshada ahaa, Jaaliyadaha ayaa Shariifka ka didiay diiday, isla markaana ku wargeliyay inaysan doonayn kulanka uu ka dalbaday.

Jaaliyadaha Soomaalida Ohio iyo Newyork ayaa SomaliSwiss u sheegay inay Shariifka uga digeen inuu tago halkaas, haddii uu sidaas yeelana aysan ballan qaadeyn amaankiisa oo Qatar geli kara, maadaama aysan dadka badankiis doonayn inay arkaan gudoomiyaha oo inta badan Soomaalidu aaminsan tahay inuu yahay furaha masiibada Soomaaliya.

ilo wareedyo kala duwan ayaa SomaliSwiss u xaqiijiyay in Shariifku Soo dhaweyn aan wanaagsanayn uu xalay kala kulmay Jaaliyadda reer Bay iyo Bakool ee ku dhaqan Minnesota kuwaas oo inkastoo ay ballamiyeen hadana ku qaabilay goobo aan dad badani joogin, iyadoo xittaa dadka xaadirayna ay ahaayeen kuwa doonayay inay su’aalo waydiiyaan Shariifka.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay kulankaas ayaa sheegay in Shariifka lagu waydiiyay Su’aalo ka xanaajiyay oo ay ka mid ahaayeen: Waxaa Muqdisho kusoo barakacay shacab qaxooti ah oo intooda badan kasoo jeeda Goboladda Baay iyo Bakool, weli ma booqatay?

Si kastaba, Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Mareykanku, waxay ula dhaqmeen Shariif-ka, qaab lagu tilmaami karo inuu xaq u lahaa in sidaas loola dhaqmo, maadaama shacabka Soomaaliyeed aysan garanayn, wax wanaagsan oo uu sameeyay, halka taas bedelkeeda shaqadii uu qabtay inta muuqatay 90% la dhihi karo waxay ahayd lugooyada Soomaaliya.

SomaliSwiss Washington
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: