Ra’isal Wasaare C/weli Gaas oo sheegay in uusan Qadeyn, maalintuu Khudbaynayay Axmad Najaad.

undefinedHalkaan ka akhri

Cabdiweli Max’ed Cali Gaas, ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa beeniyay in Somalia ka mid ahayd dalalkii ka baxay markii ay socotay khubaddii madaxweynaha Iran uu ka jeediyay golaha guud ee QM.

Cabdiweli wuxuu sheegay in isaga iyo wafdiga Soomaalida ee uu hoggaaminayay ay goobjoog ahaayeen oo ay dhageysanayeen khudbadda Axmedinejad, isagoo xusay inuu ku qado seegay dhegaysigeeda.

Qaar ka tirsan warbaahinta Soomaaliya oo ay ka mid tahay SomaliSwiss iyo kuwa Mareykanka oo ay ku jireen Telefishinka MSNBC , Jariidada Haffingtonpost iyo kuwa kale oo badan ayaa wada faafiyay in dalalka ka abxay shirka ay Soomaaliya ka mid ahayd.

C/weli wuxuu sheegay inay dhici karto in saxaafaddu ay magaca Somalia ku khaldeen magacyada dalalka kale ee ka baxay markii ay socotay khudbadda madaxweynaha Iran.

Halkaan ka dhegayso Wareysigiisa.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: