Advertisements

Dowladda Sweden oo muddo baaritaan ku haysay sababta Soomaalidu uga guurayaan dalkaas.

undefinedHalkaan ka akhri

Dalka Sweden ayaa si weyn looga dareemay inuu jiro Hayaan ama ka guuritaan joogto ah, iyadoo kala bar wax ka badan dadkaasi ka guurayaahi  yihiin dad markii hore Sweden soo galooti (immigrants) ku ahaa, kuwaas oo inta badan u guura dalka Britain.

Hadaba si ay arrintaas wax uga fahamto ayay dowladda Sweden waxay ku samaysay daraasad lagu ogaanayo, sababta dadkaasi u door bidayaan inay ku noolaadaan Ingiriiska halkii ay joogi lahaayeen Sweden.

Baaritaanka ama u kuur galkaas oo ay samaynaysay  FORES ayaa xooga lagu saaray in marka ugu horeysa lagu ogaado sababta Soomaalidu uga guuraan dalkaas, iyadoo FORES ay waraysiyo kala duwan la yeelatay qaar ka mid ah dadka Soomaali-Swedish-ka ah ee ku dhaqan magaalooyinka Leicester iyo Birmingham ee dalka Ingiriiska, taas oo uu horkacayay Prof. Benny Carlsson oo ka tirsan jaamacadda Lund ee dalkan Sweden.

‘’Wax yaabaha ay iskaga marqaati keceen ee sababta u ahaa in Somali-Swedish fara badan ka guuraan dalkaas ayay ka mid ahaayeen; inay sahlan tahay in ganacsi laga dhex sameeysto mujtamaca British-ka ah, markii loo eego Swedish-ka.

Dad badan ayaa xitaa isku dayay inay ganacsiyo ka abuurtaan intii lagu jirey waayahoodii Sweden laakiin waxaa dadaalkoodii wiiqay dalabaadka howl-xafiiseedka, shuruucda canshuuraha oo adag iyo talo la’aan luuqadooda loogu sameeyo oo aan ka jirin Sweden.

Somali-Swedishku, waxay sheegeen in ay sidoo kale dareemaan in maamulka Swedish-ku aanu kalsooni sidaa u buuran u hayn ama siin awoodooda ku aadan aasaaska ganacsi ee Soomaalidu leeyihiin, sida uu weriyay Martin Fores Ådahl.

‘’Sweden horaanba waxay sag xadda ka taagneyd Yurub marka ay timaaddo saamiga ay ku leeyihiin dadka sameeya ganacsiyada is maqiiqa ku dhisan (Risk taking business), taasoo aan u wanaagsaneyn dalkan Sweden” ayuu yiri Martin Adahl oo intaas raaciyay “hadii ay dad badan oo Somali-Swedish ah, dalka ka tagaan waxay sababeysaa inay Sweden sidaa ku wayso dad badan oo howl kar ahaa oo iska tegey kadib sanado takoor ah’’.

Sabab kale oo Somali-Swedish-ku u dal doorsadeen ayay daraasadu ku dartay in Soomaalida oo ay ku adkaatay la jaan qaadi taanka shabakadaha kale ee ay kujiraan shirkadaha yar yar. Balse dalka UK ayay xustay daraasaddu, inay joogaan shirkado iyo hay’ado kala duwan oo kuwa Soomaali ah ka mid yihiin, kuwaas oo ay ka heli karaan toosin iyo talooyin wax tar u leh.

Daraasadda oo wax badan ka sheegtay, qaababka iyo heerarka kala duwan ee ganacsiga yar yar ee bilow-ga ah uu maro ayay xustay warbixintu in Soomalidu waxyaabo badan ay dalbadeen.

“In la dhimo canshuuraha Sweden ee la yiraahdo u bixi sidaad u hesho (pay as u earn tax-ga), gaar ahaan xilliga howl-biloowga lagu jiro in la khafiifiyo shuruucda ku aadan sida loola macaamilayo ganacsiyada yaryar.

In ururada iyo iskaashatooyinka ganacsi ay xil iska saaraan fududeynta sidii ay shirkadahani ula jaan qaadi lahaayeen kuwa ganacsi ee horay ugu jirey saaxada ganacsi, taasoo ah arin ku adag shirkaadka yaryar.’’ Ayay tiri Elisabeth Thand Ringqvist, oo ah madaxa shirkadda Private Enterprises. Halkaan riix haddii aad doonayso daraasaddaan oo dhamays tiran.

SomaliSwiss Malmo
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: