Axmad Najaad oo dib u dhigay booqasho uu Sheikh Sharif ku tegi lahaa magaalada Tehran ee dalka Iran

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif oo Lagu waday inuu shalay gelinkii dambe u dhoofo booqasho uu ku tegi lahaa dalka Iiraan ayaa hakad ku yimid ka dib MarkiiĀ  Mugdi uu soo dhex galay Xiriirka Labada Dal ee Somaliya Iyo Iiran.

Talaabadani ayaa waxa ay ka danbeysay, Shirkii lagu qabtay Magaalada New-York qudbad uu ka jeedinayey Madaxweynaha Dalka Iiran Axmed Najad ay Isaga huleeleen wadamo badan oo Soomaaliyana ay ku Jirtay.

Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo Telefoonka Kula hadlay Ra’isal wasaare Gaas ayaa ilo Xog Ogaal ah oo ku sugan madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxa ay Sheegeen in ay isku Khilaafeen talaabada la sheegay in Madaxda Soomaalida ay qaadeen intii ay Socotay Qudbadda Axmad Najaad, Madaxweynaha Iiraan, taas oo ra’isal wasaaruhu inkiray.

Inkastoo ra’isal wasaaraha Soomaaliya wareysi uu bixiyay uu ku inkiray arrintaas. isla markaana qiil ka dhigtay inuuba ku qado seegay dhegaysiga qudbadda Axmad najaad, laakiin lagu qalday dad kale ayaan ahdana la ogeyn, waxa ay ku dambeyn doonto arrintaas mugdiga keentay oo ay faafiyeen saxaafadda Soomaaliya iyo Mareykanka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: