Halkaan ka akhri
Admiral Faarax Qare “Soomaaliya Waxay ku Waayeysaa 97% xuquuqdeeda Badda ay haysato hadda, Haddii la tirtiro Law no. 37”
“… 12-mayl haddii aanaan diidi lahayn waxay noqon lahayd in riigagga batroolka laga qodo Xamar dushiisa meel aad arkeysid haddii aad xeebta istaagtid. Kalluunkii in laga dabto ayey noqon lahayd, qashinka in lagu shubo ayey noqon lahayd, Arrintaasi mid la qaadan karo ma ahayn….” “arrrintaas waa ka gariirnay, waxay noqotay ugu dambayntii in naloo soo jeediyo cudurdaar si rasmi ah wasiiradii (gaashaandhigga ee Bariga Afrika) noogu soo jeediyaan, qoraalkiina waa laga saaray 12-kii….” Faarax Qare
- Faafin: SomaliTalk.com | September 26, 2011
Admiral Faarax Qare oo BBC-da siiyey waraysi uu kaga hadlay Badda Soomaaliyeed
Waraysiga ka dhegeyso HALKAN (mp3)
Admiral Faarax Cumar Axmed, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed ayaa ka qayb galay shirkii bartamahii bishan September 2011 lagu qabtay dalka Seychelles, kaas oo looga hadlayey ammaanka gobolka Geeska Africa, ayna ka soo qayb galeen Wasiirada Gaashaandhigga iyo Taliyayaasha Ciidamada ee Dawladaha Geeska Africa ee ku midoobey ururka loo yaqaan EASTERN AFRICA STANBDAY FORCE (EASF)*.
Barnaamijkii shirkaas lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa khariidad iyo warbixin khusaysa badda Soomaaliya oo uu Faarax Qare ku tilmaamay mashruuc meel ka dhac ku ah qaranimada iyo hantida ma guuraanka ee Ummadda Soomaaliyeed ay leedahay.
Haddaba markii uu shirka ka soo laabtay, ayaa Admiral Faarax Qare waxaa uu waraysi siiyey Daa’ud Aweys oo BBCda u jooga Nairobi, 20 September 2011, waxaana uu yiri:
“Waxaan ka mid ahaa taliyaashii (shirka ka qayb galay), warbixintii/report ay soo gudbiyeen guddiga khubarada ee miiska la soo saaray markii aan akhriyey si looga doodo oo loo ansixinno ayaa waxaa ii soo baxday in ajandada/qorshaha iyo report-kaba ay ku jirto oo ay soo gudubtey guddigii farsamada in biyaha/badda Soomaaliyeed lagu soo qaaday oo weliba map/khariidad loo sameeyey, map-kaasina uu sheegayo in biyaha/badda Soomaaliyeed ay yihiin 12 mile, anaguna wixii ka dambeeyey 1972 oo hadda laga joogo 40 sano, ayaan go’aansanay oo sharci ka samaynay, sharcigaas oo la yiraahdo 37aad in biyaha/badda Soomaaliyeed ay yihiin 200 mayl-badeed oo u dhiganta 370 kiiloomitir.”
Markii la weydiiyey: Intaas ka dib maxaad tallaabo ah oo aad qaadeen haddii aad ahaydeen waftigii dalka Soomaaliya matalayey? waxa uu kaga jawaabey:
“Arrintii markaan arkay, oo arkay xad gudubka meesha ka muuqda oo lagu xad gudbey xaquuqdeenii iyo xornimadeenii (Sovereignty) iyo qaranimadeenii, waxaan qaatay go’aan degdeg ah, waxaana u jeediyey shirka u jeedshey saddex qodob:
Qodobka koowaad wuxuu ahaa: in la soo bandhigo qawaaniintii ay u cuskadeen, wax alla iyo wixii ay cuskadeen oo Soomaaliya biyaheeda/baddu in ay yihiin 12 mile. Haddii la keeni waayo sharcigaas iyo wixii loo cuskaday oo caqli gal ah, haddii la keeni waayo – LAMA KEENI DOONEE – in qodobkaas laga saaro agendaha/qorshaha, lagana bixiyo buugga report-ka, iyo in cudurdaar rasmi ah dalka Soomaaliya loo soo jeedsho.”
Markii la weydiiyey haddii Soomaaliya xuduudkeeda lagu soo koobo 12 mayl, oo xuduudkeedii hore loo dhaafi waayo, maxay Soomaaliya arrintaas ku waayi kartaa, waxa uu Faarax Qare ku jawaabey:
“Soomaaliya waxaa ka ba’aaya, waxaan lahayn 200 mayl, bishii May 2009 waxaan gudbisaney in aan leenahay 150 mayl oo kale (oo siyaado ah) oo ah Continental Shelf, 350 mayl-badeed oo u dhiganta ku dhawaad 650 km ayaan badda ku lahayn. Haddii maanta lagu soo koobo 12 mile, Soomaaliya xuquuqdii ay lahayd waxay ka heleysaa boqolkiia 3.5%, waxaana markaas la duudsiinayaa boqolkiiba 96.5% xuquuqda ay lahayd. Marka dhibka weyn oo ka iman kara kaas weeye.”
Waxana uu raaciyey “Tan labaad haddaan sii bayaamiyo, 12-kaas mayl haddii aanaan diidi lahayn waxay noqon
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.