C/weli Gaas oo New york ka sheegay in Soomaaliya aqoonsanayso Falastiin iyo Mucaaradka Liibiya.

HOOS KA FIIRI QUDBADDIISA

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, C/wali Max’ed Cali  Gaas oo ka hadlayay Shirka Qaramada Midoobay ee Magaalada New York ayaa  sheegay in dowladda Soomaaliya go’aansatay inay ka mid noqoto wadamada Falastiin u aqoon san doona inay noqto Dowlad Madax banaan, isagoo intaas ku daray inay arrintaasi ula muuqato lagama maarmaan xilligaan.

Wuxuu sidoo kale shaaciyay, in dalka Soomaaliya uu aqoonsaday in kooxaha Liibiya ka dagaallamayaahi ay yihiin kuwa sharciga ah ee metela dalka Liibiya. HALKAAN KA FIIRI WARQADDII UU QUDBADA KA AQRIYAY OO ASAL AH.

C/wali Gaas, mar uu ka hadlayay xaaladda dalka Soomaaliya wuxuu sheegay in ka bixitaankii Al Shabaab ee Magaalada Muqdisho kadib dowladda ay aad uga walaac santahay in Al-Shabaab ay weeraro is qarxin ah ay ku fuliyaan Xarumaha dowladda, isagoo tilmaamay in loo baahanyahay in arintaasi laga feejignaado.

Wuxuu intaasi ku daray in dhalinyaro badan oo Soomaali ah ka tegay Australia, Yurub, Canada iyo Maraykanka ay Al-shabaab qorteen, isagoo tibaaxay in dhalinaradaasi ay ka qeyb gelayaan oo ay ka mid yihiin, kuwa hurinaya dagaallada ka socda Soomaaliya.

Markii laga soo tago labadaas arrimood oo macquulka ah, inkastoo xaaladda hadda Soomaaliya ku jirto aysan haboonayn inay gasho arrimaha nuucaas ah, hadana Ra’isal Wasaare Gaas, iyo wakiilada metelaya Soomaaliya ee ku sugan UN-ka waxay ku dhaqaaqeen dhowr maalmood ka hor, arrin aad uga yaabisay oo fajac ku noqotay caalamka Islaamka, Carabta iyo Afrika taas oo ahayd in wafdiga Soomaaliya metelayay uu hore u sii raacay oo ka miod noqotay dalalkii fadhiga uga kacay ee ka carooday khudbaddii madaxweynaha Iiraan Axmad Najaad, taas oo qaar ka mid ah diplomaasiyiinta Soomaalidu ay sheegeen inuu go’aankaas lahaa Ra’isal wasaare Gaas. HALKAAN KA FIIRI WARQADDII UU QUDBADA KA AQRIYAY OO ASAL AH.

HALKAAN KA AQRI WARAR KALE OO LA XIRIIRA WADAMADA KHUDBADDA AXMAD NAJAD KA DHEGAYSIGEEDA DIIDAY IYO ARRIMO LA XIRIIRA.

SomaliSwiss New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: