Taangiyo Casriya iyo saanado ciidan oo ay leeyihiin Militeriga Jabuuti oo Muqdisho laga soo dejiyay.

undefinedHalkaan ka akhri

Dekadda Muqdisho oo maalmahaan aad ugu mashquulsaneyd dejinta Laba Markab oo ay ku rarnaayeen Gaadiid mileteri oo ay ka mid ahaayeen, Taangiyo casriya iyo saanado kale ayaa xalay soo geba-gebaysay dejinta qalabkaas.

Sida ay xaqiijiyeen warar kala duwan oo laga helay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan midowga Afrika, dalka Jabuuti iyo Soomaaliya, waxaa qalabkaas iska leh oo isticmaali doona Ciidamo ka imaanaya dalka Jabuuti maalmaha soo socda oo la qorshaynayo inay kusoo biiraan kuwa Uganda iyo Burundi ee hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

Hore ayay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ugu sugnaayeen Saraakiil meleteri oo ka kala socda dalalka  Jabuuti iyo Siiralyoon, kuwaas oo Muqdisho u joogay u gogol xaar-ka iyo diyaarinta ciidamo lagu wado inay ka yimaadaan labadaas dal.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: