Halkaan ka akhri
Warbixinno kala duwan oo SomaliSwiss ka heshay ilo diplomaasiyadeed oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu cadeeyay in heshiis qarsoodiya oo dhex maray madax ka tirsan dowladda Kenya iyo qowleysato metelaysay xukuumadda iyo baarlamanka Soomaaliya ay wada saxiixdeen heshiis markii ay ka dulaaleeyeen 3 dal oo reer Yurub ah.
Heshiiska ay wada saxiixdeen labada kooxood oo si hordhac ah laysugu afgartay, dhaqaale horumaris ahna lagu kala qaatay ayaa lagu ballamay in si xeeladaysan oo loo ekaysiiyay qaab sharciyaysan oo toos ah Kenya loogu wareejiyo bad cabirkeedu dhan yahay sida warbixinadu sheegen 150Â Nautical miles oo qeybaha koofureed ee badda Badda Soomaaliya ka mid ah, taas oo lagu heshiiyay in howsheeda la dhameeyo ugu dambeyn 10-ka Actoober ee bisha soo socota.
Warbixinadu waxay sheegayaan in heshiiskaan uu wax badan kala socdo uuna raalli ka yahay ra’isal wasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas oo qeybo ka mid ah howshiisa ka dhameeyay New York, halka wasiirka kaluumaysiguna uu wadamada Yurub 3 ka mid ah ku saxiixay heshiisyo kale oo isla arrintaas badda ah.
dhowaan ayaa lagu wadaa in Shariif Sakiin uu baarlamaanka horgeeyo xeer dadka loogu shegayo in heshiiska badda la cusboonaysiinayo lana gaarsiinayo 200 Nautical miles, halka uu markii hore ka ahaa 350 Nautical miles.
Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed, wasiirka Kaluumaysiga oo 23-kii bishaan ku soo laabtay dalka Soomaaliya ayaa mar wax laga waydiiyay, waxyaabaha ka jira inay iibiyeen badda Soomaaliya waxa uu si toos ah u sheegay inuu soo saxiixay heshiisyo badda Soomaaliya ah laakiin aan waxba la gedin ee ay ahaayeen kuwa badda lagu xadeynayo.
Halkaan ka dhegayso hadalkiisa
Arrinta aad khatarta u ah ee wasiirku qiray waxay tahay kelmedda “xadaynta badda Soomaaliya oo waqti go’an loo qabtay 19-ka December 2011”, taas ah arrin lagu suulinayo xeerkii badda Soomaaliya ee Law No. 37 ee 1972 ee qeexayey in badda Soomaaliya xadkeedu ahaa 200 nautical miles (Teritorial Waters). lambarkaas oo wixii ka dambeeyay 1972-dii sida ay qabaan shuruucda badaha caalamka ay Soomaaliya ugu kordhayso 150 kale oo Nautical miles ah, taas oo ah qaybta hadda la doonayo in la iibiyo.
Dhinaca Kale, Shariif Sakiin ayaa maalmahaan Muqdisho ka waday olole ballaaran oo uu ku kala gedayo, Xildhibaan beenaadyada Soomaaliya si ay ugu ansixiyaan sharci uu dhowaan hordhigi doono baarlamaanka sida qorshuhu yahay kaas oo ay ku qoran tahay in badda Soomaaliya hadda loo sameeyo xad cusub oo aysan wixii hore iyo wixii ku kordhay toona aan waxba laga soo qaadayn.
Prof. Ibbi oo waqtiyadaan dambe ahaa Gacanyaraha Shariif Sakiin ayaa shalay codkiisa ku biiriyay kan wasiirka isagoo u ololeynaya in lasameeyo xadeyn cusub oo uu qiil uga dhigay inuusanba jirin wax xad ah oo ay badda Soomaaliya leedahay. HALKAAN KA AKHRI WARBIXINTA PROF.IBBI
Waxaa kale oo meesha ka muuqata in badda Soomaaliya oo leh xuduud badeed caalamin ah ay ku doodayaan dadka hadda doonaya inay boobaan inuusan hore u jirin wax xuduud badeed ah. HLKAAN KA AKHRI XEERARKA IYO XUDUUDAHA AY HORE U LAHAYD SOOMAALIYA.
May 8, 2011 ayey ahayd markii Maxamed Macallin Xasan oo ahaa Wasiirkii Kalluumaysiga ee xukuumaddii Farmaajo oo safar kaga soo laabtay London waxa uu yiri “Dhibaatada jirta waxay ahayd inkasta oo aan anaga lahayn xeerka Soomaaliya ee 1972-dii waxa uu qorayaa Territorial Sea (Waters) oo ah 200 nautical miles, haddana dunida nooma aqoonsanin xeerka caalamiga ah, waxay nagu yiraahdeen oo keliya ‘Soomaaliya waxaan u aqoonsanahay 12 nautical miles oo keliya”. (Akhri)
SomaliSwiss Admins
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: M-Saadaq |
You must be logged in to post a comment.