Halkaan ka akhri
Wufuudda metelaysa Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii lasoo dhaafay si aan qaris lahayn uga dhex muujiyay xarunta Golaha umadaha midoobay in Soomaaliya ay sokeeye, saaxiib iyo siyaasad wadaag intaba latahay Mareykanka iyo dowladaha reer yurub, markii ay hore usii raaceen Mareykanka iyo reer Yurub oo ka carooday khudbadii madaaxweynaha Iiran Axmad Najaad.
Arrinta ka yaabisay inta badan Madaxdii caalamka ayaa ahayd in 37 dawladood oo fadhiga uga kacday Axmad Najaad ay Soomaaliya kaliya ka ahayd dalalka Afrika iyo kuwa muslimka, iyadoo aysan xittaa fadhiga ka kicin dowladihii Mareykanku saamaynta ku lahaa, sida Ciraaq, Afganistaan iyo khaliijka intaba.
Waxaa in la iswaydiiyo mudan; wadamada ka carooday khudbadda Axmad Najaad ee fadhiga uga kacay Soomaaliyana raacday, kuwee ahaayeen, Malaha wakiilada Soomaaliya oo intooda badan haysta dhalasho dibadaha ah, waxay ku daysanayeen madaxda wadamadooda ee Soomaaliya meteli meyn, waana tanahaa sababtu:
Guud ahaan waxay ahaayeen 37 dal, oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, 27-da
wadan ee ku bahoobay Midowga Yurub iyo wadamada kala ah;Â Australia, New
Zealand, Liechtenstein, Monaco, San Marino, Macedonia iyo Soomaaaliya oo noqotay wadanka kaliya ee Islaam ah ee raacay xulufadda ka istaagtay qudbadda madaxweynaha Iiraan.
Muuqaalka hore ee dhacdadii Khamiistii oo dabcan loo fasiri karay siyaabo kala
duwan, waxaa aad uga xumaaday dunida Muslimka, Carabta iyo Afrika intaba.
Markii laga soo tago Arrintaas naxdinta lahayd, Waxaa hadda Jiraxan hoose oo ah in Ra’isal wasaaraha dowladda KMG ah uu u sheegay wafdiga la socda qaar ka mid ah inaysan Soomaaliya ku jirin 130-ka dowladood ee sheegay inay Falastiin u aqoonsan doonaan dowlad madax banaan, isagoo qiil uga dhigay inuusan Mareykanku ogolayn arrintaas.
Inta badan dalalka Dunida Muslimka, Carabta, Afrika, Latin Amerika iyo Xoogaa aan badnayn oo ka mid ah wadamada reer Yurub ayaa siyaabo kala gooniya u sheegay in ay maalmaha soo socda dowlad madax banaan u aqoonsan doonaan reer Falastiin.
Hase yeeshee kaalinta Soomaaliya oo aan hore loo ogeyn, waxay noqotay Khamiistii lasoo dhaafay mid aan qaris lahayn oo si caadiya ay uga dhex muuqatay, halka xaalku ku jihaysan yahay, taas oo masawirka muuqaalkeedu u ekaa, Soomaaliya waxay ku qasban tahay inay raacdo rabitaanka Mareykanka iyo reer Yurub.
Wafdiga Soomaalida badankood way iska fogeeyeen arrintaas go’aankeeda inay lahaayeen, waxayna sheegeen inuu sidaas inay sameeyaan uu ku amray ra’isal wasaaraha Soomaaliya C/Weli Gaas.
SomaliSwiss New York
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: New York |
You must be logged in to post a comment.