Wafdi ka socday maamulka Soomaaliland oo si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Wafdi ka socday maamul goboleedka Soomaali Land oo ka koobnaa ganacsato Odayaal iyo Abwaaniin ayaa maanta ka soo degan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Abaare 11 barqanima ee maanta ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan cadde” waxaa ka soo dagtay diyaarad sidday wafdi ka socda maamulka Soomalilanda kaas oo ka koobnaa Lix xubnood oo isugu jirta ganacsato, odayaal dhaqameed iyo Abwaaniin uu ka dhex muuqday  Maxamed Ibraahuim Warsame “Hadraawi” iyadoo xubnaha wafdiguna uu horkacayay gudoomiyaha rugta ganacsiga ee maamulka Somaliland.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir oo uu hogaaminayay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. odayaal dhaqameeydyo haween, barbaarta gaashaaman, fannaaniinta qaranka iyo ururada bulshada rayid ka ah.

Xubnahan ka socda maamulka Soomaliland ee deeqda u wada walaalahooda Soomaaliyeed ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha waxay mid mid u gacan qaadeen dhamaan dadweynihi ku soo dhaweeyay garoonka, iyadoo fannaaniinta hobolada Waabarina ay halkaasi ku soo bandhigeen heeso ay ku soo dhaweeynayaan wafdiga ka socda maamulka Somaliland.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga ee Somaliland ahna hoggaamiyaha wafdigan Xasan Axmed Cawad oo saxaafadda kula hadlay garoonka ayaa ka warbixiyay socdaalkan ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay in ay ka damqanayaan abaarta heyso walaalaha Soomaaliyeed ee ku sugan koofurta Soomaliya.

Sidoo kale guddoomiyaha maamulka gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ku soo dhaweeyay garoonka wafdiga ka socda Somaliland ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay gargaarkan ay keeneen walaalaha reer Somaliland.

Waa marki ugu horeysay oo wafdi ka socda maamulka Soomaaliland soo gaaran magaalada Muqdisho iyagoo socdaalkooda ku soo beegay gar gaar ay u wadaan dadka Soomaaliyeed ee ay saameyeen abaaraha ba’an ee ka taagan dalka iyagoo sidoo kalana qorsheynaya in gargaar kan la mid ah ay gaarsiiyaan dadka Soomaaliyeed ee qaxay xeryaha qaxootiga ee dalalka Kenya iyo Ethiopia.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: