Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka Oman, Germany iyo Ingiriiska.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo beryahan ka qeybgalayay shirka guud ee Qaramada Midoobay ayaa kulan dheer la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Oman oo ay labada mas’uul ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Ra’isal Wasaare Abdiweli Mohamed Ali ayaa warbixin kooban ka siiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Oman xaaladda dalka, iyo horumarka baaxadda leh ee laga gaaray arrimaha amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, iyo siyaasadda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Oman ayaa sheegay in dowladda Oman iyo madaxdoodaba ayaa aad uga walwalsanyihiin xaaladda abaaraha, waxuuna sheegay inay diyaar u yihiin inay saacidaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo beryahan dar-dar xoog leh geliyey arrimaha dibedda ayaa waxaa u suurtogashay in beesha caalamku ay diiradda saaraan arrimaha Soomaaliya oo ay muuqdaan ifafaalo iyo yididiilo hor leh oo keeni kara in waddanka Soomaaliya lagu soo celiyo nabad iyo kala danbeyn. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulamo la qaatay Wasiirka Arrimaha Afrika ee dalka UK iyo wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Jarmalka oo ayna ka wada hadleen xaaladaha amniga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo horumarka siyaasadda ee dalka Soomaaliya.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
%d bloggers like this: