Halkaan ka akhri
Iyadoo Dowladda Federaalka ay Dooneyso in 19 Desember ay wax ka badesho Sharcigga Badda Soomaaliya oo la saxiixey 1972 dii ayaa waxaa maalmahaan socda Olole la doonayo in looga hortago wax ka badelida Sharcigaas, iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa arrinkan ka hadley Wasiirkii Hore ee Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Prof. Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo Xiligaa ahaa Shaqsi u ololeynayey in Heshiis loogu yeerey Afgarad qaybo ka mid ah Badda Soomaaliya lagula heshiiyo Dowladda Kenya ayaa wax laga weydiiyey sida uu u arko 19 ka Desmber wax laga badelo Sharcigii Badda ee Soo jirey muddo 40- Sanno ah.
Prof. Cabdiraxmaan Ibi isagoo arrinkaa ka hadlaya waxaa uu yiri “Xiligaas anaguba waxaan ahayn kuwa Difaacayey Badda Soomaaliya waayo waxaa ku doodeyney in Badda Soomaaliya ay tahay 200 Nautical Miles (Teritorial Waters).oo ah Midda Soomaaliya Xaq u leedahay oo aan sinaba looga hadli karin sidoo kale markaan idiin fasiro 12-Nautical Miles ee hadda la hadal hayo waa Milkiyada Xeebaha Soomaaliya Sidda Shabeeladda Hoose ,Jubadda Hoose Banaadir , Galgaduud Mudug oo Dadka ku dhaqdhaqaaqi karaan oo kaluunkooda ka raadsan karaan”
Mudan Cabdiraxmaan Ibbi mar wax laga weydiiyey sida uu u arko Warkii ka soo yeerey Raiisul Wasaare Cabdiwelii Maxamed Cali Gaas oo ahaa in Badda Soomaaliya ay tahayn 12 Mayl haddi 200 oo Mayl ay noqoto waxaa galeysaa Xeebaha Sacuudiga waxaa uu ku jawaabey” Arrintaas uu ka dhawaajiyey Raiisul Wasaaraha waa mid Xaaraan ah marnaba lagama hadli karo in Baddeena ay tahay 200 Nautical Miles markii an ahaa Wasiirka Kaluumeysiga waxaan ku doodeyney in Badeena ay tahay 200 Nautical Miles iyo wax ka badan marka Cidda oroneysa Baddeena 12 Natical Mayl qof aan la socon Sharciyada u yaal Badaha”
Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyey in wax ka badelidda Sharciga Badda Soomaaliya ay ka Dambeeyaan Dowladaha Norwey iyo Denmark ayaa waxaa uu ku Jawaabey Proff Cabdiraxmaan Ibbi oo markaa u waramayey Idaacada Al Furqaan ee ka dhisan Magaalada Muqdisho waxaa uu yiri ” Dalkeenna Muddo 21 Sanno ayuu Beylah ahaa Baylahnimadaas ayaa keentey in Dallal fara badan ay soo Hunguriyeeyaan Khayraadkeennii una soo tartamaan maadaama dadka Soomaaliyeed ay iyagu isku jeesteen”
Waxaa la weydiiyey sida uu u arko 19 Disember ee Soo socota wax laga badelo sharcigii Badda u yaal waxaa uu ku jawaabey Proff Ibbi|” Waxaan u Mahadcelinayaa Baarlamaanka Soomaaliyeed sida uu uga hortegey ama u fashiliyey in kal hore wax laga baddelo Sharcigii Badda Soomaaliya waxana hadda looga fadhiyaa sidii looga hortagi lahaa wax ka badelidda Shaciga badda Soomaaliya sidoo kale dadka Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa inta aan la gaarin 19-ka Desember in ay muujiyaan isku Duubnaan iyo Midnimo haddii aan taasi la helin waxaa dhici karta in Soomaaliya Badeeda wax badan ay ku weyso islamarkaana waxaa laga yaabaa in Qaramada Midoobey ay la wareegto arrimaha Badda Soomaaliya.
Guntii iyo Gabagabdii in Badda Soomaaliya maanta muran la geliyo waxaa Masuuliyadeeda qaadeysa intii ka shaqeyneysa islamarkaana sabab u ahaa in Kenya ay soo Hunguriyeyso Badda Soomaaliya sidoo kale waxaa Taariikh Madow galaya Shaqsiyaadkii arrimahaas ka shaqeeyey ee Xukuumadihii soo marey tan iyo intii la soo dhisey Dowladii Jabuuti ee Sannadkii 2009.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro!@hotmail.co.uk
Related articles
- Dhegayso Khudbadihii Shirka wadatashiga ay ka jeediyeen Sh.shariif, Faroole, Caalin iyo C/weli Gaas (somaliswisstv.com)
- Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada dowladda KMG Soomaaliya oo War-Saxaafadeed laga soo saaray (somaliswisstv.com)
- C/xakiin Xaaji M. Fiqi oo ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga oo soo dhoweeyey Wasiiradii Cusub. (somaliswisstv.com)
- Ra’iisul wasaare C/weli oo shaaca ka qaaday in shirka wadatashiga Soomaalida 5-qodob looga hadlaayo. (somaliswisstv.com)
- Ra’isal wasaare C/weli oo shaaca ka qaaday in shirka wadatashiga Soomaalida looga hadlayo 5-qodob. (somaliswisstv.com)
- Madaxweyne Sheikh Shariif oo sheegay in Midnimada ummadda ay tahay waajib. (somaliswisstv.com)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.