Madaxa Hogaanka sare ee Bundesrat-ka Switzerland oo sheegtay go’aano laga soo saaray dadka Qaxooti doonka ah.

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxa  Hogaanka sare  ee Bundesrat (Federal Council) dalka Switzerland oo ku dhawaaqay      Maalintii Jimcaha oo ay taariikhu aheyd 23 September 2011, in dadka soo galootiga ah ee dalbada Qaxootinimada  la dadejiyo go’aan ka gaaristooda Qaxootinimo, looguna soo jawaabo ugu badnaan sadex Todobaad gudahood.

Go’aanada laga soo saaray waxaa ay ahaayeen kuwa hoos ku qoran:

In si dhaqsi ah loo soo baaro farahooda.

In goobaha Xeryaha loogu sameeyo Baaritaano Caafimaad.

In wadamada ay marki hore ka yimaadeen xiriir dib u noqosho ah lala sameeyo.

In Jawaabtoodu ugu badnaan aysan ka badnaan muddo Bil ah.

Wasiirada Cadaalada Swiss-ka Frau  Sommaruga, ayaa arintaasi ka sheegtay shir warfidiyeenada loogu qabtay caasimadda dalkan Switzerland ee Bern.

Frau  Sommaruga waxaa ay intaasi ku dartay in goobo cayiman dadka cusub ee qaxooti doonka ah looga sameeyo gobalada iyo degmooyinka ay markaasi iska dhiibaan, waxay kaloo sheegtay in xiriiro lala sameeyo wadamada ay wada shaqeynta kala dhaxeyso Switzerland ee saxiixay Axdigii Dublin, isla markaana dadka soo galootiga lagu celikaro  waa hadii ka yimadeen wadamadaasi.

Waxaa dalka Switzerland  lagu dhaleeceeyaa in dadka Qaxooti doonka ah aysan dhaqsi helin jawaabta dalabkooda Qaxootinimo, walow sanadadii lasoo dhaafay dhinaca Soomalida ee Qaxooti doonka  ah ay  jiraan horumar, marka la bar-bardhigo waayadii hore, iyadoo ay soo badanayaan  Soomalida Dalabkooda  qaxootinimo la aqbalay, isla markaana ay jiraan dad badan  oo eheladoodii iyo caruurtoodii loo keenay.

SomaliSwiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: