Waxgaradka Ceelbuur, Wabxo iyo Jacar oo ka cabanaya maamulka xarakada Al-Shabaab ee ka taliya deeganadaas.

undefinedHalkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ee maamusha Gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa todobaadyadaan waday howlo ay ku cadaadinayaan dadka ku dhaqan deegaanada Ceel Buur, Wabxo, Jacar iyo magaalooyin kale oo fara badan.

Qaar ka mid ah wax garadka Ceel Buur, Wabxo iyo Jacar oo lasoo xiriiray SomaliSwiss ayaa sheegay inay ku sugan yihiin xaalad aad u qallafsan oo aysan garanayn cid ay u qaylo dhaanshaan iyo wax kale oo ay sameeyaan toona.

Waxay sheegeen in maamulka Al-Shabaab uu dadka deegaanka ku hayo jirdil, xarig iyo caga juglayn xad dhaaf ah taas oo ay ku macneeyeen inay ka baaxad weyn tahay, dhibaatadii hore loogu hayn jiray.

Waxay sheegeen in maamul cusub oo hadda deegaanka loo magacaabay oo dadka ula dhaqmayo qaab beeleed isla markaana u wax yeeleynayo, hab qabiil waa sida ay hadalka u dhigeen, waxay sheegeen in si joogta ah dadka loo ciqaabayo, iyagoo tusaale ahaan u soo qaatay in todobaadkaan gudihiisa oo kaliya degmada Wabxo ay ku karbaasheen 4 qofood oo walaalo iyo waalid isu ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay isku meel joogeen.

Waxay sheegeen in xabsiyada loo taxaabay dad fara badan oo ay ka mid yihiin ilmo aan qaan gaarin oo laba ka mid ah ay jiraan 13 iyo 10, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sirdoon  u yihiin dowladda KMG ah, hase yeeshee waxay sheegen wax garadkaasi in dadkaasi ay yihiin dad aan dambi lahayn oo lagu haysto qori afkiis.

Waxay aad uga cawdeen ilmaha yar yare e xabsiyada lagu haysto, iyadoo lagu eedeynayo, waxaysan ogayn, aqoonna u lahayn oo aysan weligood arkin, aysanna garanayn ilmahaasi dowlad iyo maamul toona maadaama intii ay noolaayeen aysan arag maamul dowlo, wax na ka qoon.

Waxay ugu baaqeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegannadaas, dowladda KMG ah iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed cid kasta oo wax u qaban kartaahi inay ka caawiso, dhibaatadaas lagu hayo oo ay sheegeen inay tahay xaalad aad u qallafsan.

SomaliSwiss Ceel Buur

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: