Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Amiirka dalka Qatar iyo mas’uuliyiin kale.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiin kala duwan isagoo ka qeybgalaya Shirkii Guud ee Qaramada Midoobey ee 66aad oo si rasmi ah uga socda xarunta QM ee New York. Mas’uuliyiintii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Ra’isal Wasaaraha Qatar  Sheikh Hamad Bin Jassim Bin Jabor Al Thani.

Madaxdan ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Ra’iisul Wasaaraha Qatar ahna Amiir ayaa sheegay inay dowladda Qatar diyaar u tahay inay Somalia ka saacido dhanka gar-gaarka bani’aadanimo oo uu sheegay in hay’adihii Qatar ay joogaan Muqdisho oo ay u gar-gaarayaan shacabka Soomaaliyeed. Waxuu kaloo sheegay in ay Qatar diyaar u tahay inay Dowladda ka saacido arrimaha amniga, dib-u-heshiisiinta iyo siyaasadda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxuu kulamo gaar gaar ah la qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Xoghayaha Guud ee Ururka Waddamada Islaamka (OIC) Professor Ekmeleddin Ihsanoglu, Guddoomiyaha Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika Mudane Ramtane Lamamra, iyo Ku Xigeenka Ban Ki Moon ee arrimaha Gar-gaarka Bani’aadanimo Marwo Valarie Ann Amos iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay dhammaan mas’uuliyiintii uu la kulmay arrimaha abaaraha, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta, isla markaana si gaar ah ugala hadlayey sidii shacabka soomaaliyeed si deg-deg ah loogu soo gaari lahaa, isla markaana loogu abuuri lahaa marxaladdo ay ku shaqeystaan oo ay ku soo saartaan nolol maalmeedkooda. 

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

%d bloggers like this: