KULEYL, KANEECO IYO KORONTO la’aan: Daawo Wariye Cowke iyo Bishaaro Baando wareysiga sababay in shaqadoodii looga eryo.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA

undefinedHalkaan ka akhri

Wariye Axmed Xasan Cawke iyo Bishaaro Baando ayaa shaqadii ay ka hayeen UNIVERSAL TV looga eryay Video Clip-kaan hoose kaas oo sababay in ay waayaan shaqadooda, markii uu ka carooday sida la sheegay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ashtako gaarsiiyay madaxa TV-ga UNIVERSAL.

Weriye Axmad Xasan Cawke oo ka mid ah suxufiyiinta xiriirka joogtada ah la leh dalka Jabuuti, isla markaana booqashadiisu ku badan tahay ayaa wuxuu sheegay inay dalkaas ka jiraan waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin KULEYL, KANEECO IYO KORONTO la’aan.

Weriye Axmad Xasan Cowke iyo Bishaaro Baando

Wariye Cawke oo Bishaaro Baando ku wareysanaysay barnaamij-keedii Salaamaha ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrimo kale oo uu sheegay inay ka jiraan Jabuuti, hase yeeshee wuxuu xusay inuu uga hadli doono barnaamish-yo kale maadaama ay siyaasad yihiin.

Hadalka Wariye Axmed Xasan Cawke looga eryay shaqada, markii laga fiiriyo dhinaca sharciga Saxaafadda iyo madax banaanida hadalka, kama muuqan haba yaraatee wax qalad ah, wuxuuna ahaa DHAB KA HADAL uu ku cabiray xaqiiqada dalka Jabuuti.

Weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mida Wariyeyaasha ugu caansan Soomaaliya, isla markaana ay aad u jecel yihiin dhegaysta yaal fara badan oo ku hadla afka soomaaliga, isla markaana leh taageerayaal aysan haysan inta badan suxufiyiintu ayay u madlan tahay qeybo kale oo ka mid ah waxyaabihii ka xanaajiyay madaxweyne Geelle ee sababay in Shaqada looga eryo, lamana oga jawaabaha rasmiga ah ee uu ka bixin doono shaqa ka eryidda iyo arrimaha kale aa sababtaas keenay.

SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: