Halkaan ka akhri
Ra’isal wasaaraha Turkiga Racep Tayib Ordagan oo ka hadlayay xarunta golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa caalamka ku canaantay inay indhaha ka qarsadeen xaaladda Soomaaliya oo aad u liidata, inta taasi jirtana aan cadaalad iyo nabad gelyada laga hadlaahi ay noqonayso sheeko aan macno keenayn.
Wuxuu xusay in dad aad u tiro badan oo ilmo yar yar u badan ay maalin kasta iyo daqiiqad kasta Muqdisho ugu dhimanayaan gaajo, isagoo xusay in dalka Turkigu uu Soomaaliya ka gargaarayo wax kasta oo uu awoodo, hase yeeshee xaaladda Soomaaliya ay tahay arrin u baahan gar gaar caalamiya.
Wuxuu xusay inuu tegay magaalada Muqdisho, isaga iyo madax kale oo ka tirsan xukuumadiisa iyo familadooda, isagoo cadeeyay inaysan jirin qof qiil ka dhigan karta amaan darro ayaa jirta, isagoo sheegay inay nabad ku tageen, kuna soo laabteen.
Wuxuu cadeeyay in Safaaraddii Turkiga laga furay Muqdisho ayna toos uga shaqeynayso, wuxuu caalamka ka codsaday inay garab istaagaan Soomaaliya, isla markaana lasoo afjaro dhibaatada labaatan sano jirsatay ee dalkaas ka dhacday, taas oo caalamku indhaha ka fiirsaday.
SomaliSwiss New York
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: New York |
You must be logged in to post a comment.