Advertisements

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo kan Turkiga oo ku kulmay wadanka Mareykanka..

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, kulankaasi ayaa ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Recap Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay ka go’an tahay kaalmeynta shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Waxuu sheegay in safaaradii Turkiga laga furay Muqdisho, isla markaana la bilaabay mashaariicdii uu ballan qaaday.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay in ay sii wadaan mashruucyada oo muddo dhow la dhisi doono Isbitaal qaada 200 sariir, waddooyinka, airport-ka, Iskuulo iyo mashaariic kale. Recap Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu la kulmo Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey RW Turkiga sid geesinimada leh ee uu u qaatay inuu caalamka u horseedo sidii loo saacidi lahaa shacabka Soomaaliyeed, waxuuna uga mahadceliyey booqashadii uu ku yimid Muqdisho, oo uu sheegay inay bilow u aheyd booqashooyin isdaba joog ah oo mas’uuliyiinta caalamka ay ku imanayeen Soomaaliya, taasoo wax weyn ka bedeshay fikirkii caalamku ka qabay Muqdisho.

Mr. Abdiweli ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda u baahantahay dhismaha hay’adihii dowliga ahaa (Institutions) iyo mashaariic si Soomaalida ay isagu tashato mustaqbalka.

Recap Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu u istaagayo arrimaha Soomaaliya kala hadlayo madaxda caalamka, oo uu sheegay inay waajib ku tahay caalamka inay xal u helaan arrimaha Soomaaliya.

SomaliSwiss Ankara

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: