Advertisements

Isticmaalka shabakadaha Facebook iyo Paltalk oo sababay inay kala tagaan qoysas Soomaaliyeed oo hore isu qabay.

undefinedHalkaan ka akhri

Sanadihii Lasoo dhaafay dalka Soomaaliya gudihiisa iyo dibadda intaba waxaa kusoo badanayay Dumarka iyo Ragga is qaba ee isfuraya sababo la xiriira isticmaalka internetka, gaarahaan qeybaha wada sheekeysiga oo ay ugu horeeyaan Facebook iyo Paltalk.

Inta la ogyahay, 42 qoys oo Soomaali ah oo ku kala nool caalamka iyo Soomaaliya gudaheeda ayaa ku kala tegay isticmaalka Paltalk iyo Facebook, hase yeeshee qeybaha ugu yaabka badan ayaa ahaa labo dhacdo oo ka kala dhacay dalk Holland iyo magaalada Kismaayo, taas oo nin Soomaaliyeed xaaskiisa ku dhex furay Facebook, halka Holland haweeney canug ay dhashay uu ka dhacay daaqadda guriga ay degan tahay oo ku yaal dabaqa 6-aad dabadeedna dhintay, iyadoo aan ka war hayn weliba.

Wiil magaciisa lagu soo gaabiyay Socdaal Cali ayaa xaaskiisa ku furay Shabakadda Facebook-ga gudaheeda oo uu ka dhax isticmaalayay Mobile-kiisa gacan qaadka ah, isagoo ku sugan magaalada Kismaayo oo uu howlo shaqo u tegay inkastoo isaga iyo familkiisu deganyihiin Baydhabo.

Wiilka oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa qadka wada sheekaysiga Facebook ku dhex furay xaaskiisa oo joogta Baydhabo,  ka dib markii uu dad saaxiiba la ahaa halmar khadka soo wada geliyay kadibna isla Online-ka ayuu ku dalaaqay xaaskiisa.

Dadka oo dhan ayay layaab ku noqotay sababta keentay in Wiilkaasi xaaskiisa ku dhex furo Facebook isagoo awooday in uu Teleefan u diro ama gaari uraaco Baydhabo maadaama Kismaayo iyo Baydhabo aysan sidaasi u kala fogeyn, hase yeeshee in kastoo dhacdadaasi ay ahayd mid ka mid ah famillada ku kala tegay isticmaalka Facebook dartiis, hadana waxay ahayd mid ka mid ah oo laysku dhex furay oo marqaatiyaasha iyo is furayaasha intuba wada online ahaayeen.

Sidoo kale shabakadda Paltalk ayaa iyaduna fara ba’an ku haysa Soomaalida isticmaasha iyadoo ay isku waayeen famillo badan oo kala tegay, tii ugu darneydna waxay ahayd markii haweenay u khudbaynaysa dad ay qol ku wada jireen uu canug yar oo ay dhashay uu ka dhacay dabaqa 6-aad ee guri geeda baloog furan oo laga layrsado, ityadoo weliba aan ka war hayn, taas oo ka warheshay Police albaabka u garaacaya, iyadoo weli ka dhex hadlaysa qolkii, taasi oo kaliya maahane dumar badan ayaa jikada ku halmaama raashin ay dab saareen taasi oo keenta inuu gubto guriga ay degan tahay, iyadoo aan ogayn.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: