Advertisements

Wasiirka Gaashaandhiga Uganda oo Muqisho tagay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Wasiirka Gaashaandhiga Uganda Krisbos Kyonga ayaa maanta kasoo degay garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha waxaa soo buux dhaafiyay dadweyne aad u fara badan iyo xubna ka tirsan Baarlamaanka iyo golaha wasiirada dowladda KMG Soomaaliya, kuwaas oo ka qeyb qaadanayay soo dhoweynta Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Uganda, taas oo u muuqatay in xukuumadda Soomaaliya ay xil gaar ah iska saartey soo dhawaynta Wasiirka oo dabcan ah, ninka ugu sareeya xagga ciidamada marka laga soo tago Madaxweyne Musaveni .

Krisbos Kyonga ayaa ka hor inta uusan la kulmin Madaxweynaha Shariif, wuxuu kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise oo ay kawada hadleen sida loosii wadi karo howlgallada Ammaanka lagu sugayo ee Soomaaliya, ayadoo muhiimad lasiinayo kordhinta Ciidammada Midowga Afrika waxaana uu sidoo kale booqday qaar ka mid ah xeryaha ay degenyihiin Barakacayaasha.

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo si heer sare ah wasiirka ugu qaabilay Madaxtooyada ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Wasiirka Ugandha safarka uu Muqdisho ku yimid ayadoo uu Madaxweynuhu ku ammaanay Dowladda Ugandha sida ay markasta u garab taagan yihiin shacbiga iyo Dowladda Soomaaliyeed iyo sida ay Ciidammadooda ugu heelan yihiin inay Dowladda kala shaqeeyaan Ammaanka Dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Krisbos Kyonga oo isaguna la hadlay Saxaafadda ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay imaanshiyahiisa magaalada Muqdisho islamarkaana uu indhihiisa ku arkay Xaaladda Amniga magaalada Muqdisho iyo sida looga shaqeeyey soo celinta nabad gelyada Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: