Advertisements

Shirkadda “Somali Migrant Remittance- SMR” ee Switzerland oo si sharci ah u billowday howlaha dirista lacagaha loo Xawilayo dalka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

 

Sharikadda “Somali Migrant Remittance- SMR” ee Switzerland waxay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan ugu bishaareynaysaa in Dowladda federaalka dalkan Switzerland ay si sharci ah u ogolaatay Nidaamka iyo habraac lagu maamulo lacagaha loo dirayo  dalka Soomaaliya (iyo meelo kalaba). Kabbid markii xubnaha SMR ay howl badan u galeen dhaqangelinta shirkaddan ayaa waxaa suurto galay in la istaajiyo :Shirkad ka howl gasho dhinaca adeega Xawaaladaha oo sharciyadeysan oo la mid ah Xawaaladaha dalkan Swiss-ka ka jira  sida: Western Union.

 Sida ay ogyihiin in badan oo ka mid ah dadka ka howl gala adeega xawaaladaha, waxaa muddo dheer la la’aa qaab ka sharciyeysan dalkan Swiiska oo lagu maareeyo adeegga Lacag xawilidda. Ilaah mahaddii, culeyskaas xal ayaa loo helay, waana Somali Migrant Remittance-SMR”, oo si sharci ah, deg-deg ah ugu xawili karta wixii lacago ah dal kasta oo ay ku wajahanyihiin.

 Haddaba Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadankan Switzerland, waxaa lagu war-gelinayaa inay lacagahooda ku dirtaan Xawaalada ka diiwaan geshan Shirkadda SMR ee ka sharciyeysan dalka Switzerland.

Waxaa mudan in la xuso jiritaanka qaab sharciyeed Caalami ah oo lagu maamulo lacagaha isaga gudba dalalka aduunka oo uu ka midka yahay qaabka Xawaaladda. Qodobada Aasaasiga ah ee qaab sharciyeedkan ayaa mudan in laga xuso:

 1)   In aan la adeegsan Karin adeeg aan ahayn mid loo igmaday lacag xawilid;

 Qodobkan wuxuu reebayaa ama mamnuucayaa in lacag xawilid loo adeegsado xisaab (account) uu shaqsi ama shirkad aan lahayn ruqso /shati howsha xawilaadda. Waxaa xusid mudan in jabinta qodobkan lagu muteysan karo ciqaab xarig iyo ganaax lacageed isugu jirta, sida uu qabo Sharciga Maamulka Lacagaha ee ka jira dalka Switzerland.

 Qodob kale oo asaasi ah ayaa sheegaya:

 2)   in la yaqaano cidda lacagta (xawaaladda) direysa iyo cidda ay u socoto (qaadaneysa).

 Qodobka ayaan doorbidnay in aan wax yar oo faah-faahin ah ka bixinio:

           -Cidda lacagta direysa waa wakiilada Xawaaladaha. Iyagaas ayay tahay in ay si

 sharci ah ku degganyihiin dalkan; ay san wax dambi ah (maxkamad ku socota) aan

 loo haysan; ay ka diiwaan gashanyihiin shirkadda SMR;

 Shirkadda SMR waxay leedahay qaab diiwaangelineed oo habeynayaa arrinkan; cid kasta oo shirkad Xawaaladeed wakaalad sharci ah ka haysata, ayaa iska diiwaan gelin karta Xafiiska SMR, kaddibna laga qabanayaa loona dirayaa wixii lacago ah ee waafaqsan qaabka kasbashada lacagaha, ama sharciga la-dagaalanka lacagaha sida xaaraanta ah lagu kasbado  

Shirkadda SMR kama dalbeyso wax document ah dadka wakiilada ay lacagaha ka soo ururiyaan, sidaas darteed waxaan Soomaalida la socodsiinaynaa in Lacagaha laga helo “Social-ka” waa lacag xalaal ah, oo laga caawin karo ehelada, cidnana laguma qabsan karo maxaad u caawineysaa eheladaada.

Haddaba waxaa jira in dad badan ay ogyihiin arrimaha kor ku xusan, haddana fududeysanaya, sidaa daraadeed waxaa lagu baraarujinayaa dadkaas in ay raacaan hab dhaqankan.  

 Shirkadda Somali Migrant Remittance-SMR ee Switzerland waxay wakiilada xawaaladaha Soomaalida u fududeynaysaa arrimaha soo socda:

  1. SMR waxay wakiilada Xawaaladaha u qabta shirkadaha xawaaladda siinaysaa Warqado aqoosi ah, si aan boliiska ama Hay’adaha  la dagaalanka lacagaha sida qaldan lagu kasbado u xanibin lacagaha xubnaha jaaliyadda Soomaalida u dirsanayaan eheladooda ama ciddi dani ka dhexeyso.
  2. Sidoo kale Shirkadda Somali Migrant Remittance-SMR ee Switzerland waxay wakiilada Xawaaladaha  u fududeynaysaa inay lacagahooda ku diran karaan Kantonada ay ku howl-gasho SMR.
  3. Somali Migrant Remittance-SMR waxay wakiilada Xawaaladaha u ballan qaadaysaa adeeg deg-deg ah oo sharci ah.

 Haddaba haddii aad doonayso in ay kuu bad-baadaan lacagahaada ku xawilo, Wakiilada Xawaaladaha ka diiwaan geshan shirkadda SMR.

Sidaas iyo Wadashaqeyn wacan

Shirkadda Somali Migrant Remittance-SMR ee Switzerland

SomaliSwiss     Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: