Advertisements

Dowladda Ruushka oo sheegtay in kaalmo bani’aadannimo ay u dirayso dalka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Ku xigeenka Wakiilka dowladda Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Alexsander Bankin ayaa sheegay in dalkiisa uu u dirayo dalka Soomaaliya kaalmo bini’aadanimo oo deg deg ah si loogu caabiyo qoysaska ku dhibaataysan Xerooyinka ku yaalla dalka Soomaaliya, si loogu caawiyo qoysaska  ay saameeyeen abaaraha ee ku sugan dalka.

Sidoo kale Alexsander Bankin  wuxuu sheegay in Kaalmadaasi cadadkeedu ay gaarayso ilaa $2-Milyan oo dollar-ka Maraykanka, taasi oo sida uu tilmaamay in dhowaan ay soo gaari doonto magaalada Muqdisho, maadama magaalada Muqdisho laga saaray Al Shabaab.

Mudane Alexsander Bankin wuxuu intaasi ku daray in lacagtaasi mucaawinada ah loogu talaglay inay lagu iibiyey cunno si ay u badbaadaan 2.5-Milyan oo qof wuxuuna sheegay  in dadkaas ay la daalaa dhacayaan abaaro baahsan ee saameeyey qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Ku xiggeenka Wakiilka dowladda Ruushka u fadhiya  Qaramada Midoobay wuxuu tilmaamay in kumanaan qoys ay u barakaceen Xerooyinka ku yaalla dalalka Kenya iyo Ethiopia halkaasi oo uu sheegay inay ku haystaan xaalado nolol xumo, wuxuuna shaaca ka qaaday in abaarta ku dhufatay Soomaaliya ay tahay mid aad u daran.

Sida la wada ogsoon yahay Qaramada Midoobay ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in Beesha Caalamka ay indhaha ka daboolin doonin musiibada bini’aadanimo ee ka taagan dallka Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay inay u geeriyoodeen kumanaan qoys oo Soomaali ah.

SomaliSwiss     Moscow

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: