Advertisements

Taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee dowaldda KMG Soomaaliya oo Caddeeyey in aan la isticmaalli Karin Baasaboorka Cagaaran.

undefinedHalkaan ka akhri

Taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee dowaldda KMG Soomaaliya ayaa Caddeeyey in aan la isticmaalli Karin laga billaabo dhammaadka bishan baasaboorkii cagaarnaa ee horey loo mamnuucay iyadoo dhinaca kale ay arrintaasi ay soo dhaweeyaysay wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka xukuumadda FDKMG ah ee Soomaaliya.

General C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo ah Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee Soomaaliya oo la hadlayey Warbaahinta Soomaaliya ayaa sheegay in aanu lagu arki Karin dhammaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka soo guddahanaya Xajka Baasaboorkii cagaarnaa ee ay horey u joojisay waaxda Socdaalka.

Sidoo kale Taliyaha wuxuu  tilmaamay in wadanka Soomaaliya uu yahay dalka xor ah shacabkiisana ay xor yihiin, balse la illaaliyo danta guud ee ummadda Soomaaliya oo meesha ay ku jirta, wuxuuna Warbaainta u caddeeyey in la joojiyey Baasaboorkii cagaarnaa.

Dhanka kale Wasiiru dowlaha wasaaraddka Dekaddaha iyo Gaadiidka mudane Saciid Qoorsheel ayaa sheegay ay soo dhaweenayaan arrintaasi oo ay tahay mid wax weyn ka tareeysa ammaanka garoomada dalka.

Wasiiru dowluhu ayaa sheegay in joojinta Baasaboorkii cagaarnaa ay fududeyneyso howlaha wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka islamarkaana ay wax badan u qabsoomayaan haddii arrintaasi ay sida loogu tala galay ay u dhaqan gasho.

Hase yeeshee Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa horey u mamnuucday qaadashada Baasaboorka cagaaran iyadoo la dhaqan galiyay in dalalka caalamka uu ka shaqeeyo E Baasaboor hadda ah Baasaboorka rasmiga ee uu dalka leeyahay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: