Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan la yeeshay kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibadda qaaradda Afrika dowladda Mareykanka.

undefinedHalkaan ka akhri

Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo socdaal shaqo dalka Mareykanka ayaa xalay kulan la yeeshay  kaaliyaha xoh-hayaha  arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha Afrika ee dalka Mareykanka.

Guddoomiye Shariif Xasan iyo kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibadda qaaradda Afrika dowladda Mareykanka john  Carson ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay xaaladda ammaanka dalka Soomaaliya oo meel wanaagsan maraya iyo dhibaatooyinka dhanka bini’aadannimo ee ka dhashay abaaraha ka taagan Soomaaliya.

Shariif  Xasan iyo John Carson ayaa waxa wadda hadalladooda ka mid ahaa sida ugu wanaagsan ee ay dowladda Mareykanka ugu qayb qaadan karto arriamaha gargaarka iyo in ay gacan weyn ka geesato adkeeynta ammaanka goobaha ay walli ay dalka ugu sugan yihiin kooxda Shabaab.

Balse Kulanka ay wada qaateen masuuliyinntaasi oo muddo saacaddo ah qaatay ayaa waxa la isku afgartay in laga wada shaqeeyo arrimaha ammaanka iyo siyaadda maadaama Soomaaliya ay gashay waji cusun sida uu  sheegay guddoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale Mudane Shariif Xasan ayaa ugu mahad celiyay dowladda Mareykanka sida wanaagsan oo ay u garab taagan tahay dowladda Soomaaliyeed isagoo ku booriyay in ay il gaar ah ku eegto dowladda Mareykanka arrimaha bini’aadannimada iyo in la kordhiyo gatgaarka la gaarsiinayo dadka abaaraha ka soo carraraya si ay u yaraato dhibaatada dadkaasi soo gaareysa meellaha ay ka immaanayaanna loogu garagaari lahaa.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: