Advertisements

Dhalinyaro Soomaali ah oo looga shakiyey in ay xiriir la leeyihiin xarakada Al-Shabab oo Booliska dalka Finland ay qab-qabteen.

undefinedHalkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Helsink ee dalka Finland ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay qabteen labo dhallinyaro oo muwaadin Soomaali ah waxayna weydiinayaan su’aalo keentay shakiga ah inay xiriir la leeyihiin dhaq dhaqaaqa Xarakada Al-Shabab ee Soomaaliya ka dagaalamayso.

Ha yeeshee war ay sii daayeen boolisku maanta oo lagu qoray warbaahinta dalka Finland ayaa waxaa lagu sheegay in magaalada caasimada ah ee Helsinki looga shakisan yahay inay dhaqaalo u ururiyeen Al-Shabab iyo inay ku lug yeesheen qorshe dhaliyaro loogu diyaariyay.

Mis Liinu Lehto-Seljavaara oo ah Haweeney afhayeenad u ah Booliska Finland ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP in labadaan muwaadin ee Soomaalida ah ay willi su’aalo weydiinayaan ciidamada amaanka waxaana ay intaa ku dartay in muddo baaritaano ku socdeen.

Afhayeenadda Booliska Finland Mis Liinu Lehto-Seljavaara oo arrintaas ka hadleeysaY WAXAY TIRI: “Ilaa iyo bilawgii bishaan September ayaa daba gal lagu hayay waxaana lo shakiyay inay dhaqaalo iyo agab kale ku taageereen Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta”.

Sidoo kale Xafiiska barista dambiyada ee dalkaasi ayaa soo saaray war ku saabsan in la helay xog muujinaysa in labadaan ruux ee Soomaalida ay mar isku dayeen inay Soomaaliya yimaadaan kadibna ka garab dagaalamaan Al-Shabab.

Si kasta ha ahaatee waxaa Soomaali badan oo ku nool wadamada Caalamka ayaa qaarkood loo xir xiriyaa inay Xarakada Al-Shabab ay la leeyihiin xiriir, ha yeeshee waxaa meelo badan ka socda baaritaano iyo maxkamadeyn kaddib markii ay soo shaac baxeen warar sheegaya in dhalinyaro qurbo joog ah ay ka garab dagaalamaan ciidamada u dagaalama Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab.

SomaliSwiss     Helsinki

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: