Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo Khubad dheer ka Jeediyay kulanka Golaha Ammaanka ee Q/Mioobay.

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa shalay ka hor jeediyay khudbad golaha  ammaanka ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalka Mareykanka wuxuuna ka hadlay arrimaha ammaanka,  garagaarka iyo siyaasadda dalka Soomaaliya.

Sidoo kale R/wsaare Dr.Cabdi Welli Maxamed Cali ayaa khudbaddiisa si aad ah uga  halday arrimaha ammaanka, siyaasadda, iyo gargaarka waxa uu sheegay in xukuumaddiisa marka la soo magcaabay muddo bil iyo bar kaddib ay ku qasabtay in kooxda Shabaab inay magaalada Muqdisho ka baxdo kaddib caddaadis ugu yimid ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa taageyra ee AMISOM.

Wuxuu kaloo R/wasaare Dr. Cabdi Welli uu sheegay in xukuumaddiisa ay sameysay ciidamo si gaar ah ugu shaqeeya ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay u kala qaybsan yihiin gargaarka iyo in ay roondo ka sameyaay magaalada Muqdisho oo kooxda Shabaab laga xureyay si loo yareeyo qallalaasaha ay wadaan kooxaha nabad diidka ah.

Dhanka kale  R/wasaaruhu wuxuu tilmaamay in magaalada Muqdisho lagu qabtay shirkii wada tashiga ee ay ka soo qayb galeen dhammaan dhinacyada Saamaalida taasi waa mid cadeyneeysa in ay ammaan tahay magaalada Muqdishoayuu yiri R/wasaaraha, waxa uu farta ku fiiqay in shirka laga soo saaray war-murtiyeed afar qodod ka kooban isagoo carabka ku dhuftay in uu ku kalsoon yahay in dhammaan qodobaddaasi ka hilgalinayo.

Hase yeeshee waxaa kaloo kulankaas ka hadlay  ergayga gaar ah ee xog-haya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga waxa uuna sheegay in hormar laga gaaray arrimaha Soomaaliya gaar ahan qaybta ammaanka isagoo tilmaamay in guullo ay ka gaareen ciidamada dowladda Soomaaliya iy kuwa AMISOM howlgalkii ay caasimadda ay ka fuliyen oo ay Shabaab kaga adkaadeen.

Balse waxaa ergayga gaar ah ee xog-haya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Mahiga uu sheegay in haatan uu socdo dadaal ku aadan sidii ay dowladda Soomaaliya ugu gudbi lahayd marxaladda KMG ah, taasi oo uu sheegay in diyaarinteeda lagu guuleysan doono mudda halka sano ah ee ay haysato dowladda FKMG ah ee Soomaaliya.

SomaliSwiss   New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: