Advertisements

Ra’isal wasaaraha Ingiriiska oo ka hadlay sidii loo sii deyn lahaa Muwaadiniinta u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu afduubtay xadka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ayaa sheegay in dadaal ay ugu jiraan sii deynta Muwaadiniin u dhalatay dalka Britain oo lagu afduubtay xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

 Ra’isal wasaaraha oo ka hadlayey Baarlamanka wadankiisa ayaa sheegay in dowladiisa  ay dadaal u gali doonto sidii  lagu soo deyn lahaa Muwaadiniinta u dhalatay dalkiisa ee dhawaan lagu afduubtay xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay sii deysmada  Muwaadiniinta u dhashay Ingiriska.

Sidoo kale  David Cameron wuxuu carabka ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ciidamo gaar ah ugu dirayaan geeska Afrika, wuxuuna arrintaad ka yiri: “Waxaan sameyneynaa wax walba oo aan ku soo furan karno Muwaadiniinteena taasi ma ahan muhiim in aan shaacino, waa in aan si dhaqsi ah u soo badbaadino”.         

Ra’isal wasaaraha dalka Ingiriiska ayaa Mr. Cameron ayaa sidoo kale  sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xaaladda ay ku jiraan Muwaadiniintaas iyo  inay gacanta u galaan Al Shabaab,  isagoo  xusay in uu la kulmayo qoyska ay ka soo jeedaan lamaanaha.

SomaliSwiss       London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: