Advertisements

Kulan looga hadlayey xallinta Abaaraha ka jira geeska Afrika oo ka furmay magaalada Jabuuti.

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa  shalay ka furmay magaalada Jabuuti ee wadanka Jabuuti kulan looga hadlayay sida loo xalin karo abaaraha ku soo noqnaqaya ee Wadamada geeska Afrika, shirkaasi oo ay ka qayb galeen wadamada ku bahoobay urur gobolleedka IGAD, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Bangiga hormarinta Afrika.

Sida lagu soo warramay waxaa  kulankan  ka soo qayb galay  wadamada Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia waxaana kulan looga doodday sida ugu wanaagsan ee xal looga gaari karo abaarataha ku dhuftay wadamada geeska Afrika.

Sidoo kal dood dheer, kaddib ayaa waxaa Bankiga hormarinta Afrika uu ku dhawaaqay in uu ku yaboohay dalalka ay saameeyeen abaaraha lacag aad u badan si waxa looga qabto baaxadda abaarta oo haatan noqotay mid ku sii fideysa gobolka geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Dhanka kale kulankan ayaa waxaa khudbaddo ka kala jeediyay masuuliyiintii ka soo qayb gashay swaxaana diirada la saaray oo si aad ah looga hadlaya xallinta dhibaatooyinka abaaraha wadamada Afrika ee ay saameynta ku yeelatay nolosha dadka ku dhaqan Gobolkaas.

Waxaa la filayaa in kulankan la soo afmeero dhawaan iyadoo lagu wado in laga soo saaro qodobo dhowr ah oo ku aadan xallinta abaarta daba dheeraatay ee wadamada geeska Afrika ku soo noqnoqanayso.

SomaliSwiss   Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: