Dowladda Maraykanka oo sheegtay in ay sii kordhinayaan duqeynta goobaha ay Al-Shabaab ka joogaan Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

War ka soo baxay Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku ay kordhinayaan duqeymo ay la beegsanayaan meelaha ay joogaan iyo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan hoggaamiyeyaasha Al Shabaab.

Gen. Carter Ham  oo ah Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inay donayaan inay kordhiyaan howlgalladooda  dhanka cirka ah oo ay ku hayaan saldhigyada Maleeshiyooyinka Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM Gen. Carter Ham ayaa wuxuu sheegay in labada sano ee soo socota ay sii wadayaan howlgallada ay kula dagaalamayaan Al-Qaacidada Qaaradda Afrika gaar ahaan dalka Soomaaliya si ay u yaraato qatarta ka imaaneysa Al Shabaab.

Danka kale Taliyahu wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in laga hortago hanjabaadyada isdaba jooga ah ee ka soo yeeraya Al Qaacidada Qaarada Afrika gaar ahaan midda geeska Afrika, waxaana uu shaaca ka qaaday in sidoo kale ay balaarinayaan tababarka ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Dowladda Maraykanka ayaa dhowr jeer  ku cel celisay inay wali ay jiraa  qatarta Al- Shabaab iyo Al-Qaacida,  waxaana xusid mudan in diyaradaha aan cidna wadin ee laga leeyahay Mareykanka ay duqeymo la beegsadeen Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Qaacida iyo Xarakada Al-Shabaab.

SomaliSwiss   New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: