Shirweynihii Soomaalida uga socday magaalada Oslo ee dalka Norway oo lasoo geba-gabeeyay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Shirweyne ay ka qeybgaleen dadweyne aad u faro badan oo Soomaali ah, isla markaana ka kala yimid dalalka Caalamka ayaa waxaa uu ka socday magaalada Oslo ee dalka Norway, kaas oo looga hadlayay xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii ay dadka Soomaaliyeed looga bixin lahaa dhibaatada dagaal iyo abaar ee ku habsatay.

Shirweynahan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Daryeel ee xaruntiisu tahay dalka Norway ayaa waxaa ka qeybgalay oo lagu sharfay dad badan oo ay kamid yihiin Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Farshaxanka weyn Amiin Caamir, Fannaaniinta Kooxda Qeylo-dhaan iyo Fanaanadda Saada Cali Warsame.

Madaxdii Shirkaasi ka hadashay ayaa waxaa ay si qota dheer uga hadleen xaaladda uu dalka Soomaaliya marayo iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii kacaanka ee uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Shirkan ayaa waxaa heeso wadani ah oo ka hadlayay xaalada dalka Soomaaliya uu hadda marayo ka qaadayay Fanaaniinta Kooxda Qeylo-dhaan iyo Fanaanadda weyn ee Saada Cali Warsame, kuwaasi oo heesaha ay ku luuqeynayeen ay aad ula dheceen dadkii halkaasi isugu tagay.

Ugu dambeyntii Shirkan waxaa uu kusoo gebo-gaboobay si farxad ay ku dheehan tahay, isla markaana dadkii kasoo qeybgalay ay aad ula dheceen waxyaabihii looga hadlayay.

SomaliSwiss Oslo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: