Midowga Africa oo sheegay in beesha caalamka ay ka gaabisay gargaarka dadka ay abaaruhu saameeyeen.

undefinedHalkaan ka akhri

Jean Peing oo ka qayb galay kulan ay shalay ku yeesheen Midowga Africa magaalada Addis Abeba ayaa sheegay in beesha caalamka ay ka gaabisay wax ka qabashada howlaha loogu gurmanayo dadka ay abaartu ay saamaysay eek u dhaqan gobolka geeska Africa gaar ahaan Somalia isagoo sidoo kale sheegay in hadii beesha caalamka ay  u istaagi lahayd wax u qabashada dadka la il daran dhibaatada abaareed ee ka jira gobolka geeska Africa ay wax badan ka qaban lahayd.

Sidoo kale Mr. Jean Ping oo warbaahinta ku la haday magaalada Addis Ababa ka dib markii uu soo idlaaday kulanka ay yeesheen midowga Africa ayaa sheegay in guulihii dhawaann ay gaareen ciidamada nabad ilaalinta AMISOM iyo kuwa DKMG ay fursad cusub u tahay soo celinta nabada iyo .gaarsiinta dadka loogu talagalay gargaarka isagoona sidoona ka codsaday QM in laga saacido ciidamo loogu talagalay ilaalinta gargaarka.

Hase yeeshee Guddoomiyaha Ururka Midowga Africa ayaa sheegay in kulanka ay QM ay ku yeelanayso magaalada New York isla markaana looga hadlayo inta badan arimaha soomaaliya la filayo inay ka soo bixi doonaan qodobo wax tar leh oo wax badan ka badali doono xaaladaha ka jira  dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss       Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: