Xarakada Al-Shabaab oo Bandoow Habeen iyo Maalin ah ku heysa degmada Mahadaay 3 maalin.

undefinedHalkaan ka akhri

Maleeshiyada Al-Shabaab ee ka talisa gobolka Shabeelada Dhexe ayaa Degmada Mahadaay ee gobolkaas kusoo rogay bandoow Habeen iyo maalin ah kadib markii dhowr habeen ka hor dadka deegaanku ay gaadmo ku dileen labo askari oo k atirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Dadka ayaa loo diiday in ay banaanka u soo baxaan iyadoo loo sheegay in ay kujiraan Bandoow habeen iyo maalin ah ilaa ay ka keenayaan dadkii ka danbeeyay dilkii loo geestay labada Askari ee halakasi lagu dilay.

Shacabka degmada Mahadaay ayaa haatan ku sugan xaaladii ugu xumeyd iyadoo ay soo food saartay gaajo, maadaama aan loo ogelayn inay banaanka u baxaan oo suuqyada wax ka soo iibsadaan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Mahadaay oo la hadlay warbaahinta ayaa waxey sheegeen in ay xaaladoodu tahay mid aad u liidata ayna ku sugan yihiin dhibaato aad u xoogan iyaga oo dalbaday in laga soo gaaro.

Al-Shabaab ayaa degmadaas waxa ay ka xir xireen dhlinyaro fara badan kuwaas oo ay uga shakisnaayeen in ay ku lug lahaayeen dilkii dhacay. 

Warar kala duwan ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadka deegaanku ay u geeriyoodeen Gaajo, inkastoo xiriiro kala duwan oo ay SomaliSwiss la sameysay deegaanka aysan helin xaqiiqda ku saabsan arrinta ah in gaajo dad u dhintay, hase yeeshee dhammaan ilaha ay la hadashay SomaliSwiss waxay xaqiijiyeen inuu Bandoow habeen iyo maalin ah saaran yahay maalintii 3-aad, xilligaan iyo wixii ka dambeeyana ay xaaladoodu ku sugan tahay qatar, waxayna codsadeen in ciddii wax u qaban kartaahi ay caawiso.

Halkaan ka dhegayso warar kale oo ku saabsan arrintaan in dad Gaajo u dhinteen oo qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho baahiyeen: 

SomaliSwiss Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: