Ururka NATO oo sheegay in Soomaaliya ay fara-gelin ku sameynayaan, haddii shirka Qaramada Midoobay ee caawa furmaya looga codsado.

undefinedHalkaan ka akhri

Gaashaan buurta NATO ayaa Sheegtay inay faragalin ku samey doonto arimaha dalka Soomaaliya hadii uu dalbado Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Xili lagu wado in Caawa furmo shir Golaha Amaanku ay kaga arinsanayaan Arimaha badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Caawa ayaa lagu wadaa inuu Magalada New-york ee dalka Mareykanka ka furmo shirkii sanad laha ahaa ee Golaha Jamciyadda quruumaha ka dhexeysa iyadoo ay soo ifbaxayaan  warar hordhac ah oo saadaalinaya natiijooyinka ka soo bixi doona iyo waxa laga fili karo shirkaasi.

Isagoo wareysi siinayay shabakada wararka Blumberg ee fadhigeedu yahay magalada New-york ee dalka Mareykanka ayuu xoghayaha ururka Nato Andres Fog Rusmensien ahna Ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka Denmark waxa uu sheegay in NATO ay taageerayso go‘aanada ka dhasha madasha ay isugu imaanayaan umadaha midoobay ee looga arinsanayo arimaha amniga iyo horumarka dalalka xubnaha ka ah Qaramada midoobay.

Mr Rusmensien waxaa uu sheegay in wada hadalada ka dhici doona Newyork ay xal u noqon doonto dalalka ay ka jiraan deganaasho la‘aanta gaar ahaan wadamada Liibiya, Suuriya iyo Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in uu filayo in go’aano wax tar leh laga gaari doono aayaha wadamadaasi ay colaadaha ka jiraan xilligaan.

Xoghayaha guud ee NATO ayaa sheegay in ay taageero u fidinayaan dowlada Federalka ah ee Soomaaliya hadii ay lagama maarmaan noqoto si amniga iyo xasiloonida dalka Soomaaliya soo celintiisa gacan looga siiyo, si ay usoo noolaato kala dambeyntii.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay xeelado dagaal uga baxeen fariisimahoodii magalada Muqdisho balse ay wali gacanta ku hayaan qaar kamid ah goboalda koofurta iyo bartamaha Somaliya, iyadoo welwelka ugu weyn ee Nato ka haysta arrimaha Soomaaliya ay ugu weyn tahay Burcad badeeda ka jilaabata xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ku xeeran.

C/llaahi Shuuriye, SomaliSwiss Zurich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: