Advertisements

Dowladda Yeman oo ka soo qaylisay dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab iyo Al-Qaacida oo Soomaaliya ka cararay.

undefinedHalkaan ka akhri

Dowladda dalka Yeman ayaa qeylo dhaan ka keentay dagaal yahanno ajnabiya oo ka tirsan Al-Shabaab iyo ururka Alqaacida, kuwaas oo kasoo cararaya dalka Soomaaliya, iyagoo door bidaya inay ka bar bar dagaallamaan Alqaacidada dalka Yeman, sida ay ku warrameen madax sare oo dowladda Yeman ka tirsan kuwaas oo siyaabo kala duwan uga hadlay arrinta Ajaanibtaas kasoo tilaabaysa Soomaaliya.

Dhinaca kale, Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Yemen ayaa ka hadashay wararka ku saabsan sheegashada dowladda Yeman iyo warar kale oo ay  dhowaan soo daabaceen qaar kamid ah warbaahinta caalamka, kuwaas oo ku saabsan in dhalinyaro ka tirsan kooxda Al-Shabaab galeen dalkaas isla markaana ka barbar dagaalamayaan kooxaha Al-Qaacida.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Yeman,  Xussein Xaaji Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa qiray in dhalinyaro ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ku soo carareen dalka Yemen ayna bilaabeen in ay u dagaalamaan kooxda Al-Qaacida ee dagaalka kula jirta Ciidamada Dowladda Yemen.

Wuxuu sheegay in dhalinyaradaas ay iskugu tageen gobolka Abyan ee Koonfurta dalka Yemen ayna kusoo galeen dalkaas qaab dad soo tahriibay ayna doonayaan magan galyo balse markii dambe u gudbeen gobolka Abyan.

Qunsulka ayaa cambaareeyey falkaas isagoo sheegay in ay saameyn ku yeelan karto muwaadininta Soomaaliyeed ee qaabka qaxootinimada ku jooga dalka Yemen.

SomaliSwiss Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: