Dowladda Soomaaliya oo dib u howl gelinaysa Golihii Murtida iyo madadaalada (National Theatre).

HOOS KA FIIRI SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Munaasabad looga hadlayay sidii loo soo nooleeyn lahaa doorka fannaaniinta Soomaaliyeed taas oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG ah ayaa maanta lagu qabtay dhismaha burbursan ee Tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta mudane C/qaadir Xuseen Maxamed, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/llaahi Bile Nuur, Agaasimihii hore ee Tiyaatarka Qaranka Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi, Xildhibaan Muuse Nuur Amiin, Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi, Agaasime waaxyeedyada wasaaradda, fannaaniin iyo marti sharaf kale.

Wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta mudane C/qaadir Xuseen Maxamed oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ay daryeel u fidisay in ka badan 140 fanaaniin ah isagoo tilmaamay in wasaaraddu ay dayactir ku sameeyn doonto golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatar.

Sidoo kale,  waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha fannaniinta Abwaan Cabdi Dhuux oo halkaasi ka sheegay magacyada Fannaaniintii geeriyootay Labaatankii sano ee la soo dhaafay isagoo codsaday in kuwa joogo loo helo daryeel,

si kastaba ha ahaatee arintan ayaa ku soo beegmeeysa iyadoo wasaaradda warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ay bilowday horaanttii sanadkan in ay wax xoogaa aan badnayn oo daryeel ah u fidiso fanaaniinta ku sugan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: