Wafdi ballaaran oo ka socda dalka Turkiga oo Saakay soo gaaray magaalada Muqdisho

undefinedHalkaan ka akhri

Wafdi ka socda dalka Turkiga oo isugu jira ganacsato, injineerro iyo xubno ka socda wasaaradaha dalkaas ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha.

Mudane Siciid Qoorsheel oo ah Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ayaa u sheegay warbaahinta in wafdigan ay qiimeyn ku sameyn doonaan habka dib u dhis loogu sameyn karo dalka, iyagoo la kulmi doona wasaaradaha dowladda KMG ah.

Wasiiru dowlaha oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Xubnaha wafdigan waxay isugu jiraan ganacsato, injineerro iyo saraakiil ka socda wasaaradaha dalka Turkey, waxayna u kuurgalayaan sida ugu habboon ee dib u dhis loogu sameyn karo Muqdisho,” wuxuuna intaas uu raaciyey in booqashada wafdigan ay qayb ka yihiin ballanqaadyo uu sameeyay ra’iisul wasaaraha Turkiga markii uu boqashada ku yimid Muqdisho.

Sida la ogsoon yahay Dowladda Turkiga ayaa waxay sheegtay inay kaalin mug leh ka qaadan doonto sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Muqdisho oo ku burburtay dagaalladii 20-ka sano socday, iyadoo wafdigan ay toddobaadyo ku sugnaan doonaan Muqdisho.

Sidoo kale Saciid Qoorsheel wuxuu sheegay in Wafdigan tiradoodo ay kor u sii dhaafayo boqol waana wafdigii ugu ballaarnaa ee ka socda dalka Turkiga oo soo gaara Muqdisho,” wuxuuna sheegay in muddada ay ku sugan yihiin dalka ay la shaqeyn doonaan xukuumadda KMG ah.

Waxaa bishii Ogoosto ee lasoo dhaafay booqday maalin ah ku tagay Muqdisho Ra’iisul wasaaraha dalka Turkey Recep Tayyip Erdogan ujeedada Socdaakiisana ay ahayd inuu u kuurgalo xalaadda ay ku sugan yihiin dadkii abaaraha kasoo barakacay, wuxuuna sheegay in dalkiisu uu ka shaqeyn doono dib u dhiska Soomaaliya iyo caawinta dadka dhibaateysan.

Si Kasta ha ahaatee waxaa Saakay ay Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya  ay xiray wadooyinka Muqdisho intaysan soo degin wafdigan, waxaana la hakiyay socdka gaadiidka iyo dadweynaha.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: