Turkish Airways oo bilaabeysa duulimaadyo toos ah oo Soomaaliya iyo Turkiga ah.

undefinedHalkaan ka akhri

Shirkada Diyaaradaha ee Turkish Airways ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ay ka bilaabi doonto Magaalada Muqdisho duulimaadkii u horeeyay, kaasoo ay ku soo biirineyso 140-ka dal ee ay duulimaadka ka qaado.

Madaxa Shirkada Turkish Airways oo ka mid ahaa 213-xubnood oo ka socda shirkado waa weyn oo dalka Turkiga laga leeyahay oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay keeneen qalab loogu tala galay garoonka diyaaradaha.

Qalabkan ayaa la sheegay inuu gacan ka geysanayo sidii diyaaradaha waa weyn ay ugu soo degi lahaayeen garoonka, isagoo muujiyay in wali garoonka aanu heerkiisa u sareeyay gaarsiisneyn.

Mas’uulkan ayaa rajo ka muujiyay in garoonka diyaaradaha uu la mid noqon doono kuwa caalamiga, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan qalabka ay keeneen ugu howl gelin doonaan garoonka.

Waxaa uu sheegay in diyaarada Turkish Airways ay xafiis ka furan doonto Magaalada Muqdisho, si ay u suura geliso duulimaadyo toos ah oo aan aheyn magaalada Istanbul kaliya balse ay meelaha kale ee Caasimadaha aduunka ay u qaado.

Wafdiga ka socda dalka Turkiga oo isugu jira Injineero, Qubaro kala duwan, mas’uuliyiin heer wasaaradeed, dhaqaatiir iyo ganacsato ayaa gacan ka geysan doona sidii hey’adaha dowladdu u ballaarin lahaayeen, isla markaana uga hirgelin lahaayeen howlo mashaariic horumarineed Caasimada Soomaaliya oo uu xilligan ka muuqdo bur bur lixaad ah.

Tani ayaa ifafaalo u ah shacabka Soomaaliyed oo tan iyo bur burkii dowladii hore aysan dhicin diyaarado caalami ah ama shirkadaha waa weyn oo si toos ah uga howl gala Muqdisho, waxaana wafdiga maanta soo gaaray Caasimada uu noqonayaa wafdigii ugu ballaarnaa ee caalami ah ee yimaada Caasimada muddo labaatan sano ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: