Ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo u kicitimay dalka Mareykanka.

undefinedHalkaan ka akhri

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Gaas ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Mareykanka.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa inta uusan ka amba bixin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Wareysi uu siiyey Saxaafadda waxa uu tilmaamay in safarkiisa uu ku wajahan yahay dalka Mareykanka halkaasi oo uu kaga qeyb gali doonno shirka 14-ka bishan ka dhacaya magaalada New York ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo Shir kale oo gollaha Ammaanku ay yeelanayaan.

Safarkaan uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ugu ambabaxay dalka Mareykanka ayaa noqonaya socdaalkii ugu horeeyey ee uu dalkaasi ku tago tan iyo markii loo magacaabay Xilka Ra’isulwasaarenimo.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: