Al-Shabaab oo xilkii ka xayuubisay horjoogigihii u qaabilsanaa Galgaduud Yuusuf Kaba-kutukade.

undefinedHalkaan ka akhri

Warbixinno kala duwan oo laga helay ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Madaxa waaxda Siyaasada iyo Gobolada ee Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegaya, in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Madaxii Al-Shaabab ee Galgudud & kan Siyaasadda ee xarakadaas. 

Xogtaan ayaa tilmaameysa in xiisadani ay horseeday in xilka laga qaado Yuusuf Ciise oo lagu nanayso Kabakutukade kaas oo ahaa Madaxa Maleeshiyada Al-Shabab ee Gobolka Galgudud, kadib markii qoraal uu soo saaray Madaxa Siyaasadda iyo Gobolada Xuseen Cali Fiidow (Xuseen dayniile.

Kooxda Al-Shabaab ayaa  degmooyinka uu ka kooban yahay goblkaas waxay ka heysatay labo dagmo oo kala ah Ceeldheer iyo Ceelbuur iyagoo hadda u magacaabay si ku meel gaar ah horjooge kale.

Isbedelkaan lagu sameeyay Maamulka Al-Shabaab ee Galguduud, ayaan la ogeyn inuu saameyn ku leeyahay khilaafyada u dhaxeeya Horjoogayasha xarakada iyo in kale, inkastoo Horjoogahaan la bedelay uu horey dhaawac u ahaa, lamana oga inuu dhaawacaasi ka soo kabsaday iyo inuu howlgab ka dhigay.

SomaliSwiss C/buur iyo Wabxo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: