Markab laga leedahay Wadanka Isra‘el oo hub u siday Soomaaliya oo shalay ciidamada Masar ay qabteen, maantana la sii-daayey.

 undefinedHalkaan ka akhri

Markab laga  leedahay Wadanka Isra‘el oo hub u siday dalka  Soomaaliya ayaa  shalay Ciidammada badda dalka Masar ku qabteen marinka Suweys ee  bacadda Cas, maantana la sii-daayey.

Wargeys lagu magacaabo Jerusalem Post  oo ka soo baxa dalka Isreal oo warkan laga soo xigtay ayaa lagu sheegay in ciidamada Masar ay markabka ka qabteen marinka Suweys, ayna ogaadeen hubka markii ay baaris ku sameeyeen konteennaro uu waday.

Sidoo kale Markabkan ayaa  lagu magacaabaa Sea Bell, wuxuuna  gacanta ugu jiray ciidamada badda Masar tan iyo bishii hore, wuxuuna ka soo baxay magaalada Eilat ee dalka Israel, waxaana la sheegay inuu ku socday dhinaca Soomaaliya.

Wargeysku waxaa lagu soo qoray in Hubka iyo rasaasta uu waday markabka ay ku jireen konteennaro, waxaana ku calaameysnaa inay soo saartay shirkad lagu magcaabo Ofer Sfanot oo Isreal ku taalla..

Balse lama sheegin cidda iska leh hubkaas, iyadoo Soomaaliya ay ka jiraan dhinacyo badan oo dagaallada isaga soo horjeeda, iyadoo sannadkii hore shaaca laga qaaday in ganacsade u dhashay dalka Isreal oo haysta baasaboorka dalka Mareykanka uu dhowr hub geeyay Soomaaliya.

Haddaba sii-daynta markabkan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dibabaxayaal careysan ay habeenkii jimcaha ahaa xoog ku galeen safaaradda Israel ay ku leedahay Qaahira iyagoo firdhiyay dukumiintiyadii safaaradda qaybo ka mid ah burburiyay.

Dhanka kalena ay dowladda Isre‘al ay safiirkii iyo dublamaasiyiintii kale ee safaaradeeda ka shaqeynayay kala baxday shalay dalka Masar, waxaana labada dal xiriir fiican ay lahaayee laga soo billaabo sannadka markuu ahaa 1979-kii, balse haatan ay u muuqanayso in siyaasaddii hore uu isbedel ku yimaaday.

SomaliSwiss      Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: