Halkaan ka akhri
Warar naga soo gaaray Saakay magaalada Ceel-waaq ee G/Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab, sidaas waxaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay  gudoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG Mx’ed Cabdi Kaliil.
Sida lagau soo warramay dagaalkan culus ayaa bilowday saakay wuxuuna ilaa ka socdaa ilaa iyo haatan, hase ahaatee labada dhinac oo ku dagaalamayso degmada Ceel-waaq ee gobolkaasi ayaa waxay isku adeegsanayaan hubka fudud iyo Madaafiic, waxaana la sheegay inuu yimid, kadib markii Ciidamo taabacsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen degmadaasi, waxaana warar is khilaafsan ay kasoo baxayaa cidda gacanta ku hayso degmadaasi
 Sidoo kale waxaa jira  warar aan la hubin xaqiiqadiisa ayaa sheegaya in degmda Ceel-waaq ay la wareegeen Al Shabaab halka kuwa kalana ay tibaaxayaan in wali degmadaasi ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa ilaa iyo iminka aan caddeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka ka soconaya degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo hase yeeshee xaaladdu ayaa waxa ay tahay mid wali kacsan.
Si kasta ha ahaatee wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in  xalay ilaa iyo saakay is gaarsiintii ka howlgali jirtay laga la’yahay degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, waxaana la sheegay in ay cabsi soo wajahday dadka ku nool degmadaasi oo qaarkood bilaabay in halkaasi ay isaga baxsadaan.Â
SomaliSwiss    Ceel-waaq
Filed under: Gedo |
You must be logged in to post a comment.