Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Gargaarka ay geynayaan goobaha ay abaaraha saameeyeen, Al-Shabaab-na ay ka xorteyn doonaan.

 undefinedHalkaan ka akhri

Afhayeenka AMISOM Paddy Ankunda: “Waxaan doonaysaa AMISOM sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha, waana ku qasbanahay inaan tagno Gobolada ay maamulaan Al-Shabaab..”

Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Cat. Paddy Ankunda ayaa ka warbixiyay howlgalada ay ka wadaan magaalada Muqdisho tan iyo markii kooxda Shabaab ay ka baxeen magaalada gudaheeda, sidoo kale waxa uu ka hadlay afhayeenka AMISOM qorshahooda ku aadan gobolada dalka Soomaaliya iyo arrimo kale.

Waxa uu sheegay Cat. Paddy Ankunda in dhowaan magaalada Muqdisho ay si buuxda gacanta ugu dhigi doonaan, hase yeeshee waxa uu sheegay inay taasi ku xiran tahay ciidamo dheeraad ah oo dhowaan soo gaaraya, isagoona sheegay in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay ka saari doonaan meelaha ay uga sugan yihiin magaalada Muqdisho si buu yiri ay dib ugu soo laabtaan dadkii ka barakacay guryahooda.

” Sida ugu dhaqsiyaha badan dhowaan Muqdisho way la wareegayaan Dowladda iyo AMISOM” ayuu yiri afhayeenka ciidamada AMISOM oo sheegay dhinaca kale sheegay inay awood u leeyihiin gobolada dalka isla markaana waxa uu sheegay inay AMISOM dooneyso sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha.

Dhinaca kale afhayeenka ciidamada AMISOM waxaa kale oo uu sheegay in qorshahooda ay ku tegayaan gobolada dalka uu ku wajahan yahay magaalada Kismaayo, wuxuuna tilmaamay meel marinta qorshahaasi inuu ku xiran yahay diyaarado dhinaca cirka ah.

Afhayeenka AMISOM waxa uu sheegay in had iyo goor ay heegan u yihiin isla markaana aanay hakin doonin cabsi gelinta iyo hanjabaada maleeshiyaadka Al-Shabaab uga imaaneysa, wuxuuna caddeeyay Cat. Paddy Ankunda inay socdaan qorsheyaal isugu jira kuwo xilliga dhow iyo qaar mustaqbalka fog ku wajahan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: