11-ka September oo dalka Maraykanka laga xusay sanad guuradii 10-aad ee ka soo wareegtay xiligii la qarxiyey xaruntii ganacsiga Twin Towers.

 undefinedHalkaan ka akhri

Maanta oo Axadda ah,  kuna beegan 11-ka bisha September waxaa dalka Maraykanka laga xusayaa sanad guuradii 10-aad oo kasoo wareegtay xiligii la qarxiyey Twin Towers oo ahaa xarunta ganacsiga Caalamka iyo dhismaha Pentangonka Maraykanka.

Sidaas darteed waxaa shalay iyo maanta si xooggan heegan sare loo geliyey ciidamada Qalabka sida ee ku sugan gudaha dalka , iyo guud ahaan laamaha amaanka, waxaana muwaadiniinta dalka Maraykankana looga digey in inta lagu guda jiro xuska 11-ka September ay dibadaha u dhoofaan , waxaana sidoo kale kuwa dalalka qurbaha ah ku sugan loogu baaqay inay feejignaan iyo taxadar dheeri ah muujiyaan.

Sidoo kale mas’uuliyiinta amniga qaarkood ayaa tilmaamay inay suurta gal tahay in inta lagu guda jira xuska dadkii ku geeriyoodey weeraradii argagixiso ee 11-kii September sanadkii 2001-da ay dhacaan weeraro argagixso oo loogu aar gudayo hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden oo dhawaan lagu diley dalka Pakistan.

Wasiirka gaashaandhigga ee dalka Maraykanka Leon Penitta ayaa isna carabka ku adkeeyey in khatarta ka iman karta shabakada Al-Qaacida inta lagu guda jiro xuska 11-ka September ay tahay mid aan indhaha laga daboolan karin waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ” Waa suurtagal Al-Qaacida in weeraro aargoosi ah ay abaabulayaan , mana ahan in taas la dhayalsado ” .

Sidoo kale Wasiirka cadaalada ee dalka Maraykanka Iric Holder ayaa isna dhankiisa sheegay inaysan jirin cadaymo muujinaya abaabulka weerar argagixiso oo la fili karo in la fuliyo inta lagu guda jiro xuska 11-September oo ah maalin dadka Maraykanka aad ugu weyn xusuustooda.

Hase yeeshee arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli bishii-May ee lasoo dhaafay ciidamada gaarka ah ee Maraykanku ay gudaha dalka Pakistan ku dileen hogaamiyihii shabakada Al-Qaacida Sheikh Usama Bin Laden oo ahaa nin maraykanku uu mudo ku raad joogey waana taas mida keentay cabsida laga muujinayo in sanadkan weeraro aargudasho ahi ay dalka Maraykanka ka dhacaan.

Si kasta ha ahaatee Wadamada Caalamka oo dhan ayaa cabsi xooggan laga qabay inay dhici karaan falal Argagaxisnimo, tusaale ahaan dalkan Switzerland ayaa shalay iyo maanta la xoojiyey ammaanka magaalooyinka waaweyn, waxaana la arkayey ciidamada sugaya meelaha ay dadku ku badan yihiin Sida Garoomada Diyaaradaha, Saldhigyada Tareemada iyo goobaha waaweyn ee ay dadku ka dukaamaystaan.

SomaliSwiss     Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: