Wadanka Britain oo sheegay inay Safaaradoodii Soomaaliya ka furayaan magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay sheegeen in wadanka Soomaaliya ay dib uga furanayaan Safaaradii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

Wasiirka arimaha dibadda ee dowlada Ingiriiska William huge ayaa waxa uu sheegay in wadamo ay ka mid tahay dalka Soomaaliya dib looga furayo Safaaradaha dalka Ingiriiska, waxaana uu sheegay in amaanka dalka Soomaaliya gaar ahaan amaanka magaalada Muqdisho uu soo hagaagayo.

Mr. huge ayaa waxa uu carabka ku dhuftay inay ka go’an tahay in dowladda Ingiriiska ay Safaaradeeda ka furato dalka Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in bilaha soo socda ay ka furanayaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wasiirka arimaha dibadda Ingiriiska ayaa waxa uu si weyn u amaanay guulaha isdaba jooga ah oo ay gaarayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.

Bishii lasoo dhaafay ayey eheyd markii wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Ingiriiska Induru Macheal uu booqasho ku tegay magaalada Muqdisho xiligaasi oo uu sheegay in amaanka Muqdisho uu soo hagaagayo.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: